Wednesday, November 20, 2013

DOODA QARAN EE XISBIYADA MUCAARADKA AHI QABANAYAAN WAA DARUURI


Marka hore waxan salaamayaa dhamaan warbaahinta ku hadasha afka somaliga ee sida wacan noogusoo gudbisa arimaha aanu u baahanahay inaanu wax ka ogaano




Markaan hoos ugu daadego arinta igu kaliftey inan wax ka qoro manta oo ah shika qaran ma yahay mid lo bahan yahay, mise maaha, aniga waxay ila tahay




Kadib markii ay dawladda qabatey xisbiga kulmiye, waxa soo if baxay waxyaalo aad u tiro badan oo u baahan ka tashi, wax aka mid ah arimaha dhalinyarada aan anigu ka midka ahay ee jamacadohodi dhamaystey hadana shaqada aan haysan, ee ay ku keliftey  inay badda isku tuuraan oo tahriibaan oo ay waalidiintoodii ka dhuuntaan, oo ay u baxsadaan debedaha, iyagoo filaya in meshaas ay nolol tan dhaantaa taalo, waxa kasii daran oo ka mida Qabyaaladdii oo xadhkaha so goosatey isla markaana dhex gashay qayb kasta oo ka mida hayadaha dawladda Somaliland isla markaana noqotey qaab cusub oo loo taajiro layskuna shaqaaleeyo, waxa kasii mida oo kale siyaasaddii arimaha debedda Somaliland oo ay dakharo badani ka muuqdaan isla markaana ay jar ka dhacday qadiiyaddii Somaliland, sidaa awgeed waa loo baahan yahay maahee waa daruuri iyo lagama maarmaan hawshan qaran




 




Hadaanu nahay dhalinyaradana waxanu ku dhiiri gelinaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay qabtaan dodaas qaran, dawladdana waxanu leenahay dan baa inoogu jirtee haka didina




 




Wasalaamu calaykum




 




Muna Saeed Jama




 




munasiciid83@gmail.com