Tahran(GNA)-Tobanaan kun oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Tahraan ee Caasimada Iiraan, kuwaasoo ka soo dhigayay banaan bax lagaga soo horjeedo Dalka Maraykanka.
Dibad-baxayaasha ayaa Mudaharaad baaxadiisa lagu sheegay kii ugu weynaa ee Maraykanka laga soo horjeedo ka dhigay dhismaha Safaaradihii hore Maraykanka ee Magaalada Tahraan, halkaasoo ay Kumanaanka isugu soo baxay ruxayeen Boodhadh lagu xardhay hal ku dhigyo lagaga soo horjeedo Maraykanka iyo Israa’iil.
“Maraykanka iyo Israa’iil ha dhintaan”ayay ku dhawaaqayeen, waxanay dab qabadsiiyeen Calamada labada waddan iyo walxo kale oo ay cadhadooda ku muujinayeen.
Dibada-baxayaasha ayaa si xoogan uga soo horjeeda xidhiidhka soo wanaagsanaanaya ee Maraykanka iyo Iiraan, doorashadii Xasan Rooxaani madaxweynaha dalkaasi ka dib.
Dadka ayaa dalbanaya inaanay waxba iska bedelin xidhiidhka labada waddan iyo xulafada maraykanka ee Israa’iil, waxaanay ku andacoonayaan inaan xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho Washington aanay bedelayn cadaawadda Iiraan loo muujiyay, isla markaana aanay maskaxda shacbiga waxba bedelayn.
“Doorashadii Rooxaani waxay iftiimisay inay xidhiidhka cusub dib u unkayaan maraykanka iyo Iiraan, laakiinse kumanaanka qof ee Maanta Mudaharaadayay iyo qaybo kale oo ka mid ah dadka Iiraan maskaxdooda lama bedeli karo”sidaasi waxa ku soo warantay Wariye Soraya Lennie oo ka tirsan Al Jazeera.
Wariyeyaasha ku sugan goobta dibad-baxu ka dhacay, ayaa intaasi ku daray in talaabada isku dayga dib u unkida xidhiidh cusub oo labada waddan ee mudada dheer colaada siyaasadeed ka dhexaysa, wax badan ka bedeleyn shacbiga Iiraan.
Madaxweyneyaasha maraykanka iyo Iiraan ayaa bishii hore wada toos ah ku yeeshay Telefoonka, waxaanay taasi ahayd rejo cusub oo laga muujiyay isfaham iyo wada hadal degen oo dhex mara labada waddan.
Arrinta laysku hayo ee Maraykanku sida weyn u danaynayo ayaa ah curinta quwadda Nuclear-ka ee Iiraan oo ay isku fahmi waayeen Madaxweynihii hore ee Iiran Axmeddi-najaat.
Isku soo dhawaanshiyaha Iiraan iyo Reer Galbeedka ayaa xiisad diblomaasiyadeed iyo dareen cusub ka abuurtay Caalamka, siiba wadamada Bariga dhexe saameynta ku leh iyo Maraykanka.
Sucuudiga ayaa ka mid ah wadamada saaxiibada la ah Maraykan ee sida weyn uga soo horjeeda, kana gubtay wada hadalka Rooxaani iyo Obama.
Dibad-baxayada ka dhacay Tahraan ee lagaga soo horjeedo maraykanka, ayaa u muuqda kuwo dhaawacaya degenaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya labada waddan ee Maraykanka iyo Iiraan.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com