(GNA) Daraasad cusub ayaa sheegtay in go,aanka uu ninku kaga gaadho gabadh inuu ogolaado uu ku qaato ilbidhiqsi ama in ka yar halka dumarka ay kaga qaadato ayaamo ama bilo taas oo ay sababto Arimo badan oo ay ka mid yihiin dumarka oo xukuma dareenka jacaylkooda iyo iyadoo uu dumarka celinayo dhaqanka iyo caadooynku,
Daraasadan uu soo saaray khabiir Reer Holland ah oo la yidhaahdo MARK VAN VUGT ayaa sheegay in ninku uu u baahan yahay ilbidhiqsi ama in ka yar inuu ku qiimeeyo gabadha iyadoo ninku uu go,aan ku qaato aragtida ugu horeysa ee gabadha,
khabiirkan ayaa sheegay in go,aanka ninku uu ku yimaado aragti yar oo uu arko wajiga gabadha isagoon aad uga fakerin shakhsiyadeeda iyo dhererkeeda iyo inay si wanaagsan u fekerto iyo in kale,
Khabiirkan ayaa sheegay in Raga badan koodu ay jecel yihiin dumarka fekerkoodu gaaban yahay ee aan meel dheer kasii fekerin waayo waxa uu sheegay inay ku abuurayso mushkilado hadii ay aad u fekerto gabadhu,
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com