Tuesday, November 5, 2013

Daraasad cusub oo lagu ogaaday in Dabaashu ay tahay Jimicsiga ugu wanaagsan ee Jidhka Aadanaha


(GNA) Daraasad dhawaan uu sameeyay qabiir u dhashay dalka Jarmalka ayaa waxaa uu ku ogaaday in dabaashu ay qeyb muhiim ah ka tahay dhismaha jidhka bini’aadamka ayna tahay mid faa’iido dhan waliba leh ay u tahay jirka qofka waxaana lagu tiriyaa dabashu inay ka mid tahay Waxyaabaha uu jidhku ku raaxaysto xilliga lagu guda jiro, waxayna qeyb weyn ka qaadataa kordhinta awoodda qofka iyo dhismaha Jidhkiisa, waxayna yareysaa dabaashu heerkulka kulaylka qofka xilliyada caadiga ah.




Dr Verabus oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay Jarmalka ee soo saaray Cilmi baadhistan ayaa sheegay in qofka bini’aadanka ah uu awood u leeyahay inuu qaboojiyo ku dhawaad 350 darajo oo kulayl ah kuwaas oo uu ku yareen karo qofka dabaasha Isaga oo ka faa’iidaya Caafimaad sameynaya Jimicsi aan kulayl lahayn ama aan qofka ka keenayn dhidid xad dhaaf ah waxaana ku filan qofka caadiga inuu dabaasho nus saac oo kaliya (30-daqiiqo).




Cilmi baadhistan ayaa waxaa iska kaashada Xarunta Caafimaadka iyo waliba Jaamacadda Isboortiga ee ku taalo Magaalada Colonia ee dalka Jarmalka waxaana ay ku ogaadeen in orodka iyo waliba Jimicsiga daalka ah ee lagu sameeyo bariga ay ka faa’iido badan tahay dabaasha Caadiga ah ee lagu dabaasho biyaha.




Qabiir isna dhanka Isboortiga ah ayaa ammaanay cilmi baadhistan isaga oon sheegay in arrintan ay wax badan ka anfacayso dadka qaba Cudurada ay ka mid yihiin xanuunka kala goyska iyo waliba dadka ka cabanaya sii badashada Miisaanka qofka taas oo ka dhigeysa qofka marka uu dabaalanayo mid jidhkoodu uu ku raaxeysanayo inuu dareemayo Jimicsi saa’id ah ayna ka caafimaad badan tahay Jimicsiga kale ee uu orodku ku jiro.




Dr. Verubuza ayaa kusii daray hadalkiisa in biyuhu ay xoojiyaan murqaha qofka ayna saa idiyaan awoodda jidhka ayna ka wanaagsan tahay Jimicsiga kale 80% iyada oo qofku jimicsanaayo isaga oo aan dareemeyn wax kulayl ah Jirkiisuna uu qabow yahay waxa ayna ku dar  daarmeysaa daraasadani cusub  in la sameeyo dabaasha saddex mar todobaadkii kasta iyada oo la dabaalanaayo 30 ilaa 45 daqiiqo taas oo kaa dhigeysa mid caafimaad badan awoodna aad ka heleyso.




Ugu dambeyntii Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay in arrintan ay hoos u dhigeyso heer socodka garaaca wadnaha si ka yar sida ay tahay marka qofku uu sameynayo Jimicsiga kale balse marka qof ku uu dbaaalanayo aaney u gaarcmayn Wadnihiisu si ka badan sida markuu socdo ama uu caadi yahay ee uu na sameyneyn Jimicsi waxa uuna garaacmaa Wadnuhu marka qofku uu dabaalanayo 10 ilaa 15 jeer




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com