Monday, November 18, 2013

Cukuse: Boqolaal iyo Boqolaal qof ayaa ku dhinta Shilalka gaadiidka”Dhegeyso


“Shilalka waxa sababa Waddo xumo iyo Farsamo xumo”khudbad



      Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sharaxaad ka bixiyay dhibaatada joogtada ah ee ay Shilalka Gaadiidku ku hayaan bulshada somaliland tan iyo markii dalka lagu soo noqday.



Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay inay Kumanaan qof oo isugu jira hogaamiyeyaal dhaqan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan sabab looga dhigay Geeridooda shilal baabuur oo ka dhashay waddo xumadda dalka ka jirta iyo Masuuliyad darada wadeyaasha Baabuurta.



Wasiirka oo Maanta ka hadlayay xaflad loo sameeyay xuska Maalinta Caalamiga ee xasuusta dadka ku waxyeelooba shilalka Gaadiidka, ayaa halkaasi ka magac dhabay in ka badan tobaneeyo ruux oo ka mid ahaa hormuudka Bulshada somaliland, kuwaasoo ku dhintay shilal baabuur tobankii sanadood ee la soo dhaafay.



“Shilalka Baabuurta waxa ku dhintay oo sabab looga dhigay boqolaal iyo Boqolaal iyo boqolaal daraf ilaa daraf dalka oo dhan  intii  ay omaliland jirtay, kuwaasoo sabab looga dhigay wax si muuqata wax looga qaban karayo, waxaana ka mid ah inta aan xusuusto dhawr iyo toban qof oo hogaamiyeyaasha bulshada ahaa oo aan iminka magacyadooda xasuusto iyo boqolaal iyo boqolaal kale oo aynu wada garanayno”ayuu yidhi.



Wasiir Cukuse oo ka hadlayay sababaha dhaliya shilalka Gaadiidka ayaa yidhi  “sabab-baa looga  dhigay oo maxay u dhinteen odhan maynee shilalka gaadiidka waxa sababaya , waddo xumaantu kowbay ka ahayd, farsamo xumadda baabuurta aynu wadanaana waa ta labaad .



sidaa darteed Waxaan leeyahay Mujtamaceena kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibada joogaba intii karaankeena ah aynu ka qayb qaadano dhismaha waddooyinka. Sababaha shilalka keena qaybay ka tahay waddooyinka googo’ani oo iyadoo Darawalku shakalka gaadhiga u tudhayo ayaa naf dhami ku bixi kartaa.



farsamo xumadda wadista baabuurtuna qaybay ka tahay shilalka baabuurta oo Lacagtii Baabuurka lagu iibsanayay ayaa ka soo horaysay lacagtii aqoonta lagu baran lahaa, markaa waxaan leeyahay waddeyaasha aqoonta Baabuurka waa loo baahanyahaye horta intaanad gaadhiga iibsan aqoonta baro oo Imtixaanka halagaa qaado, dabadeed liisanka qaado, markaa gaadhiga Iibso”.



Dhinaca kale Wasiirka Warfaafintu, waxa uu bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka iyo kuwo amaanka dadweynaha, kuwaasoo ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo iyagoo aan haysan agab ku filan “Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka waan ku boorinayaa awaamiirta ay ku soo rogeen Waddeyaasha iyo Gaadiidka Basaska” – “ iyagoo aan haysan Dhar ay xidhaan iyo waxay Roobka ka galaan ayay 22-kaa sanadoodba waddada taagnaayeen, ciidanka bilayska iyo kuwa nabad-gelyada waddooyinkuna waxay ka mid ahaayeen waxyaabihii somaliland soo shaac saaray intii ay jirtay”ayuu yidhi.



Ugu dambeyn Wasiirku waxa uu Bulsahda somaliland u soo jeediyay inay ka qayb-qaataan dhismaha waddooyinka si loo xakameeyo waxyeelada gaadiidka, wadeyaashuna taxadar muujiyaan.



Isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan leeyahay walaaleyaal waar gacantiina jeebadda geliya oo ka qayb-qaata dhismaha waddooyinka, caqligiinana bara inaad Gaadiidka barataan” .



Halkan ka dhegeyso: