Caynabo(GNA)-Gabadh wasiirka Ciyaaraha Somaliland dhalay ayaa weerartay wiil Jaraa’idka ku iibiya Magaalada Caynabo.
Barwaaqo Cali Siciid Raygal ayaa Gaadhi ku sigtay isla markaana nabaro Budhadh ah gaadhsiisay Wiilka Jaraa'dka iibiya.
sababta ku kaliftay inay Gabadhani wiilka weerartay ayaa loo aanay nayaa inay ka danbaysay,siday ii cadeeyeen waalidka inanka iyo waliba Qaar ka mid ah ciidanka Booliska ee magaalada Caynaba,inay ka danbaysay war ay wasiirka Ciyaaraha ka qoreen qaar ka mid ah warbaahintu, kaasoo ahaa hadal wasiirku ka sheegay xaflad dhacday Caynabo oo uu ka sheegay.
“Berigii dhawayd ee uu Madaxwaynuhu uu waftiga u soo baxay ee Burco maray ee uu oodwayne Tegay salaxlay maray intaasoo Mashruucbaa la furay oo madaxwaynuhu furay Boqolkiiba hal kamay ahayn wax dawladu qabatay in allaale intaa la furayay haday dhaktar tahay haday iskuula Boodhan,maxkamado,Xafiisyo dawladeed tahay,waxaa dhistay dadkii Magaalooyinkaa aanu maraynay deganaa ee degaanka u ahaa ama debad ha joogo ama dalka ayaa dhistay oo ku deeqay”ayuu Wasiir Cali Siciid ka sheegay xaflad lagu furay Hudheel casri ah oo Caynaba laga dhisay.
dadka arintan u dhuun daloola iyo reer caynaba ayaa sheegaya in ay wasiirka arintani saamayn xoogan ku yeelatay,iyadoo uu hadalkan uu hore wasiirka yidhi uu wax ka bedelayo,faanka ay xukuumada iyo madaxwayne siilaanyo ku celceliyaan ee ay dhinaca wax qabadka ku aadn dhagax dhiga faraha badan.
Qoyska Wiilkan yar dhalay ayaa Gobanimonews u sheegay inay Bilaysku markii hore soo qabteen Gabadhan, dabadeed wax yar ka dibna la sii daayay, halkii cadaaladda la horkeeni lahaa.
Dhanka kale Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka saraar oo aanu wax ka waydiinay dhacdadan ayaa sheegay inaanay arintani waxba ka jirin, isla markaana ka gaabsaday inuu ka hadlo.
Gobanimonews
Caynabo Office