20/11/20133 .Borama(GNA) Waxa maanta magaalada Boorama si wayn looga xusay xuska maalinta caruurta Aduunka, waxana munaasabadan oo si balaadhan loo soo abaabulay ka soo qayb galay Maamulka Gobolka, kan degmada, xildhibaano, ardayda dugsiyada ee xubnaha ka ah dalada caruurta ee Boorama, fanaaniin, suxufiyiin iyo masuuliyiinta Ururka AYODA oo munaasabadan soo qaban qaabiyay.
Agaasimaha Fulinta ee ururka AYODA Md. SIyaad Cumar Cali oo madashan ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha madasha waxana uu sheegay in hal-ku-dhiga munaasabadan ee maantu ay tahay “In la joojiyo tacadiyada loo gaysto caruurta” waxana isaga oo ka hadlaya ahmiyada hal-ku-dhigan uu yidhi “ sida uu ka tarjimayo halkudhiga maanta la isla qaatay waxa la dareensan yahay inay jiraan xadgudubyo badan oo caruurta ku dhaca miyi iyo magaalaba, waa la tuuraa caruurta iyaga oo dhashay, waa lagu shaqaystaa mana helaan mushqaayadii shaqo ee ay xaqa u lahaayeen, waxa lagu qasbaa guur aanay waqtigiisii gaadhin, qaarkood waa la garaacaa, waxana maanta la iska kaashanayaa sidii loo joojin lahaa, waxana mahad iska leh hayada Save the Children iyo wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo suura galisay qabashada munaasabadan balaadhan, xukuumad ahaan, bulsho ahaan iyo hayado ahaanba waxa la inooga baahan yahay inaan wax ka qabano, gaar ahaan joojinta tahriibinta,ku shaqaysiga, garaacista, hadidaada, waxbarasho u diidka iyo tacadiyo badan oo caruurta lala beegsado”
Mudane Idiris Faarax Muuse oo ah madaxa mashaariicda ee ururka AYODA oo hadalka ka daba qaatay ayaa waxa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ahmiyada munaasabadan maanta waxana uu yidhi “Waxa aan maanta xusaynaa maalintii caruurta aduunka, waa maalin farxad leh, waa maalin caalamka oo dhan looga dabaaldagayo caruurta isla markaana ay Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa u astaysay 20ka bisha November ee sanad walba inay noqoto maalinta caruurta Aduunka, sidaas aawadeed, maanta waxa halku dhiga munaasabadani yahay “Aan Joojino Tacadiyada Ka-dhanka ah Caruurta” sidoo kale sanadkii hore waxa uu halku-dhiga munaasabadani ahaa aan joojino tacadiyada caruurta loo gaysto, xaalka sidan ah ayaa waxa uu na tusayaa in sababta loogu celcelinayo halkudhigyadan ay tahay iyada oo la dareensan yahay in dunida oo dhan ay ka dhacaan tacadiyo badan oo loo gaysto caruurta”.
“Waxa aan maanta cod dheer ku sheegaynaa is la markaana leenahay Caruurta Somaliland maanta waa maalintoodii ee ha farxaan oo ha dabaal dagaan, waxana aan ka codsanaynaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxda golayaasha qoranka, maamulada kala sareeya ee heer gobol, heer degmo iyo dhamaan waalidiinta reer Somaliland in ilgaar ah lagu eego caruurta danyarta ah ee ku dayacan gudaha Somaliland, gaar ahaan Caruurta Darbijiifka ah oo dhibaatooyin badan ay bulshada ka soo gaadhaan”
Mudane Idiris isaga oo sharaxaya caruurta darbijiifka ah dhibaatooyinka u gaarka ah ee soo gaadha iyo xaalka ay ku sugan yihiin ayaa waxa uu yidhi “Waa caruur aan haysan hoy ay galaan, hu’ ay huwadaan, dugsi ay dhigtaan, waalid iyo walaal u damqanaya isla markaana ku nool wadooyinka dhexdooda, waxa soo gaadha dhirbaaxooyin badan oo ay bulshadu u gaysato, waxana aan mar labaad leenahay waxa loo baahan yahay in la daryeelo oo indho gaar ah loo yeesho oo laga war hayo caruurtaasi, waa in hoos leego caruurtan darbijiifka ah oo ay waalidku hoos u eegaan, xukuumadu hoos u eegto, culimadu sidoo kale hoos u eegto cid walba oo xil ka saaran yahayna hoos u eegto oo ay gudato waajibka ka saaran daryeelida caruurtaasi kala duwan”
Dhinaca kale Md. Idiris waxa uu ka waramay baaxada uu leegyahay tacadiyada ka dhanka ah caruurta gobolka Awdal waxana uu yidhi “Waa hubaal in gobolka Awdal ay ku badan yihiin tacadiyada loo gaysto caruurta, waxana ka mid ah tacadiyadaasi, kufsiga, jidh-dilka, ku shaqaysiga, gudniinka fircooniga ah, iyo caado dhaqameedyada foosha xun ee bulshada ku xididaystay, waxana aan leeyahay waalidku waa in ay u dabciyaan caruurta, isla markaana ogsoonaadaan in xilgudashada ugu wayn ay leeyihiin oo ay hormood ugu noqon karaan bulshada in la soo afjaro tacadiyada caruurta ka dhanka ah ee hagardaamooyinka u gaysta maanta ubadkeena”
Gudoomiyaha gudida Xaafada Sh. Axmed Salaan Md. Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in caruur badan ay dhibaato ka soo gaadho tacadiyo lala beegsado iyaga oo bulshada ku dhex jira, waxana uu si gaar ah u xusay gabdhaha ka shaqeeya guryaha, kuwaas oo uu yidhi waxa ay xadgudubyo ka soo gaadhaan gudaha qoyska, waxana uu waalidka ugu baaqay in arimahan ay wax ka qabtaan isla markaana ogaadaan in gabdhaha guryahooda ka shaqaynayaa ay la mid yihiin caruurtooda kale.
Naciimo Cabdiraxmaan Daahir oo ah gabadh ay da’deedu aad u yar tahay isla markaana xubin ka ah dalada xuquuqda caruurta ee dugsiyada Booraa ayaa si dareen ku ladhan yahay madashan uga hadashay isla markaana taabatay in daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda caruurtu ay tahay xaq aasaasi ah oo ay caruurtu leedahay balse marar badan la iska indho tiray, waxana ay Naciima oo arimahan ka hadlaya tidhi “ Xuquuqda caruurtu waxa ay koobsanaysaa in ilmaha la ilaaliyo, in aan ilmaha yar la takoorin, in ilmaha yar la siiyo waxbarasho, in ilamaha yar laga daayo usha iyo dilmada, waa in ilama yar la siiyo wax walba oo ay baahdaan oo ay xaq u leeyihiin, waxana aan waalidka iyo macalimiinta ku adkaynaynaa inay xaqaasi aasaasiga ah ilaaliyaan, sidoo kale waxa aan u mahadnaqaynaa ururka AYODA oo xil iska saaray in ardayda dugsiyada ay dalad xuquuqda caruurta ah ku midoobaan, isla markaana noo suura galisay inaan barano casharo badan oo ku xidhiidhsan xaqa caruurta iyo sidii xadgudubyada caruurta lala beegsado aan u baran lahayn”
Marwo Cawo Cumar Shardi oo ka mid ah madaxda waaxda xuquuqda caruurta ee ururka AYODA oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ka marag kacday in tacadiyada caruurta loogaystaa ay aad u badan yihiin isla markaana la gaadhay waqtigii ay bulshadu dhan uga soo wada jeesan lahayn sidii meesha looga saari lahaa tacadiyadaasi naafeeyay caruurta reer Awdal.
Maayar ku xigeenka Boorama Md. Maxamed Faarax Dheerayste oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu sheegay inay dareensan yihiin ka dawlada hoose ahaan daryeelka ay u baahan yihiin caruurta darbijiifka ah ee ku dayacan gudaha Boorama, waxana uu tilmaamay inay miisaaniyada ku dareen kharash loogu talo galay in lagu daboolo baahiyaha caruurtaasi qabaan, sidoo kale waxa uu ka codsaday culimada diinta inay masaajida ka istaagaan bulshadana u sheegaan in loo baahan yahay in caruurta la daryeelo meeshana laga saaro tacacadiyada soo noqnoqonaya ee loo gaysto caruurta.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isagu soo gabagabeeyay munaasabadan ayaa yidhi “Caruurtu waa mustaqbalkii dalkeena, waa madaxdii barito, waa kuwa uu ka soo dhex baxi doono madaxwaynahii iyo masuulkii bulshada ee barito, sidaasi aawadeed waxa lagama maarmaan ah in maanta la daryeelo oo laga daayo tacadiyada ay ka midka yihiin kufsiga, gudniinka, ku shaqaysiga iyo kuwo kale oo aad u badan, waxana aan sheegaynaa in ka gobol ahaan aan ku baaqayno in la joojiyo tacadiyada caruurta lala beegsado, waxana aan u mahadnaqayaa ururka AYODA iyo hayada Save the children oo iyagu manaasibadan soo abaabulay”
Si kastaba ha ahaatee munaasabadan ayaa lagu soo ban dhigay suugaan mug leh oo ka waramaysa xaalada caruurta ee maanta iyo sida loogu baahida qabo in la iska kaashado daryeelka caruurta, waxana filashada ugu balaadhan ee ururka AYODA iyo bahda kale ay ka midka tahay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo munaasabadan agaasinkeeda qayb ku lahayd, iyo hayada Save the children oo maalgalisayba ay tahay in la arko tacadiyada Caruurta lala beegsado ee guud ahaan Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal oo ugu yaraan hoos u dhaca, iyo bulshada oo muujisa saansaan salka ku haysa iskaashi ku aadan dhinaca daryeelka xuquuqda caruurta
Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama office