Muqdisho(GNA)-Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda dawladda somaliya.
Khilaaf ayaa bilihii u dambeeyay Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha somaliya, kaasoo todobaadyadii u dambeeyay cirka isku soo shareeray.
Col. Xumad ayaa sheegay in khilaafkan uu yahay mid nasiib daro ah oo carqalad ku noqon kara horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo hanaanka dawladnimo ee bilowga ah.
“AMISOM waxay diyaar u tahay iney ka qeyb qaadato xalinta khilaafka madaxweynaha iyo raisul wasaaraha intii karaankeed ah” ayuu sheegay Afhayeenka AMISOM.
Mar wax laga weydiiyey qaabka ay dhexdhexaadinta u galayaan ayuu sheegay afhayeenku in saraakiisha AMISOM iyo wakiilka midowga afrika ay galabta kulamo la qaadan doonaan madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ayna kala hadli hadlayaan arrimaha khilaafka iyo sidii loo xalin lahaa.
Siyaasiyiiyin iyo Ashkaas kale oo Somali ah ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku foognaa soo afjarida Khilaafka labada masuul,kuwaasoo isaga dab qaadayay labada dhinac, balse ilaa hada aan wax natiijo ah ka gaadhin xalinta khilaafka.
Khilaafka ayaa u muuqda wali mid meelo kala fog la kala taaganyahay, isla markaana labada masuul mid waliba meel ku dhegsanyahay.
Madaxweynaha ayaa doonaya in si kasto oo ay ahaato Raysal-wasaare shirdoon Kursiga baneeyo, halka taa bedelkeeda saacid shirdoon ku gacan saydhay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com