Saturday, November 2, 2013

Adeega Talefoonka Somtel oo Bulshada soo jiitay! Maxay tahay sababtu? By: Cabdiraxmaan Nuux


Hargeysa(GNA)-Xarumaha Shirkada Somtel ee Magaalooyinka Waaweyn ee Xarumaha Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo ay, ugu horeyso Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa ilaa Shaley ilaa maanta Dadweynuhu buuq iyo Xamaasad badan safaf cidhiidhiya ugaleen Qaadashada Kaadhadhka kuhadalka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel,kadib markii ay Dadweynahani baahida ay u qabaan Wakhti xaadirkan uga faa,ideysanayaan qaadashada Adeegyada Isgaadhsiinta Shirkada Somtel.




 Sida ay Warbaahintu ka Xaqiijineyso Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, Dadweynaha kunool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa, labadii maalmood ee u dambeeyay si ka saxmad badan sidii ay awal hore u qaadanayeen  Isticmaalka Adeega kaadhadhaka ku hadalka ugu soo xoomay Xarunta  Shirkada Isgaadhsiinta Somtel taas, oo sida uu sheegay Maxamed-Pritesh aan lagu kala bixin Xarunta ugu Weyn ee Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ku leedahay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer halkaas oo ay usuurta gali weyday in uu Wareysi layeesho Hawlwadeenada Shirkada Somtel ee Magaalada Burco mashquulka badan ee dhinaca Shacbiga isticmaalka Adeega Shirkada ugu jira kuyuuga  Xarunta awgeed.




 Sidoo kalena Magaala Xeebeeda Marsada ah ee Dekeda Berbera ayaa iyadana Shaqaalaha Dekeda weyn iyo Ganacasatada halkaa ku sugani waxey si aad ah u qaadanayeen laga bilaabo maalintii shaley ilaa caweysinkii habeen hore, isticmaalka kaadhadhka ku hadalka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel, iyagoo u doorbidaya in mudooyinkii u dambeeyay sida ay qaar kamid ah Ganacsatdaasi u dhigeen hadalkooda aad loo mahadiyay loona aayay Adeega kuhadalka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel marka loo eego daqiiqadaha aad ku hadleysid halka dollar oo ah laba boqol iyo konton daqiiqo "Wax kasta faa,iidadiisa mar aanad maleyneyn ayaad ogaataa, maanta anigu waxaan xaqiiqsadey in ku hadalka Adeega Isgaadhsiinta Somtel yahey lama huraan waa Cows jiilaal dhinacyo badan ayay u fiican tahey hadey noqoto danyarta, oo aan markiiba ka dhamaaneynin ku shubashada lagu hadlayo oo in badan ku haynaya, waxaan kamid ahey anigu Ganacsatada Lo,da damaanta ah ka dhoofiya Berbera Xafiiska aan halkan Berbera fadhiyo waxa uu wax badan ka taraa shaqada oo aad gudo iyo dibadba maalin walba la hadleyso habeen walba aad la hadleyso iyadoo aan cilad iyo dhibaato midna jirin, howsha ugu badan ayay noo qabataa runtii Shaqaalahayaguna waxey door bideen marka horeba Adeega Somtel, inkastoo Shirakado kale jiraan hadana Somtel maalmahan iyadaanu ku baxsaney"Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed Nuur oo kamid ah Ganacsatada dalalka Carbeed u dhoofiya Lo,ada damaanta ah.




Dhinaca kale Magaalooyinka Waaweyn ee Hargeysa iyo Boorame ayaa iyadana dadweyne ka badan kumanaan qof oo kamid ah Qeybaha kala duwan ee Bulshadu waxey si aad ah u qaateen Isticmaalka Adeega Isgaadhsiinta Shirkada Somtel labadii maalmood ee u dambeeyay iyadoo, buuqa iyo saxmada aan loo kala hadhin aad siweyn uga dareemaysay maanta Xarunta Weyn ee Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ku leedahay Magaalada Hargeysa,




iyada oo aad moodo in wakhti xaadirkan ay Dadweynuhu si gaar ah u bartilmaameedsanayaan qaadsahada Adeega Isgaadhsiinta Somtel gaar ahaana Adeega kuhadalka.




Magaalooyinka Gabiley iyo Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee xudunta u ah xidhiidhka Ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa iyagana Dadweynaha halkaas kunooli ay si aan kala hadh laheyn yar iyo weynba Maalintii Shaley kuyuu u galeen qaadashada Adeega ku hadalka Shirkada Isgaadhsiinta Somtel, iyadoo inta badan dhalinayaradu Isticmaali jirtey badanaa ahadana waxaad Tog-Wajaale oo kale ku arkeysaa Ganacsatada oo laba laba kaadh ka qaadanaya Adeega Shirkada Somtel Xarunteeda Magaalada Tog-Wajaale iyagoo kuu sheegaya in ay dan uga garteen Ganacsigooda iyo Duruufaha kale ee kuhadalka IsgaadhsiintaSomtellagu xidhiidhayo howlaha Shaqadda iyo adeegyada Qoyasaska, iyo macaamiishaba.




Sikastaba ha ahaatee  Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo hada jirteymudo Sadex Sanadood iyo dheeraad ah ayaa hadana waxa isoo taraya in ay Maalinba maalinta ka dambeysa uu kor usocdo Isticmaalka Isgaadhsiinta Adeegayadeeda kala duwan, ee hadalka Telefoonka iyo Isticmaalka Adeega Internetka,iyadoo Dadweynaha kala duwan ee kunool Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland ay u doorbideen Isticmaalka adeega ku hadalka Shirkada Isgaadhsiinta dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Daqiiqadaha lagu hadlayo halka dollar oo wakhti badan qofka haynaya una madhxinaya kharashka kushubashada ee lacagta hadalka oo halkii dollar uu haynayo laba boqol iyo konton daqiiqadood, iyo cilad la,aanta inta badan ay ka helaan Somtel, oo aan culeys badani kajirin dhinaca Hawada, inakastoo Mudooyinakan dambe ay jireen cilado mararka qaarkood kuyimaada kushubashada iyo Isticmaalka internetka oo Bulshada Reer Somaliland intooda badani Isticmaasho lana mahadiyay intii adeegaasi yimid dalka.




Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)




Hargeysa/somaliland