GNA) Isu-duwaha Waaxda Dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Mustafe Xuseen Xirsi, ayaa ka waramay xaaladda Bukaanada ku jira Cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in isbedal balaadhan lagu sameeyay hanaankhalkaasi dadka loogu hayo ama loogu daaweeyo.
Dr Mustafe Xuseen Xirsi, oo uu maanta xafiiskiisa ku booqday Cabdiqaadir (Askar oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta somaliland, ayaa sidoo kale baaq u diray dadwaynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyay in la soo dhaweeyo dadka maskaxda ka buka, balse aan la takoorin.
Dr Mutafe, oo ugu horeyn ka war-bixinaya xaaladda cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Hargeysa ayaa yidhi "Qaybtani waxay ka kooban tahay laba qaybood, waadhkii ragga iyo waadhkii Dumarka, barigii hore looma kala aabo yeelayn oo qof walba gidaarka ayaa Silsilad loogu xidhayey oo dhibaato ayaa haysatay oo noloshoodii iyo dadnimadoodii oo dhan ayaa meel lagaga dhacayey, laakin maanta qof silsilad ku xidhani ma jiro, qof guri lagu xidhay ma jiro, laakiin qof walba sida dadka xanuunada kale qaba ayay marka ay u baahdaana laydhsadaan, marka ay doonayaan inay seexdaan ay seexanayaan oo noloshii caadiga ahayd ayay ku jiraan, xaaladda cisbitaalkuna aad iyo aad ayay isku bedashay, waxaanan mahadda iska leh hay’adda GRT oo naga caawisay, Gavo oo aan faraha nagala maqnayd iyo Wasaaradda Caafimaadka oo xukunta, annaguna maadaama oo aanu nahay shaqaalihii wasaaradda Caafimaadka, waxaanu ku shaqeynayaa siyaasadda wasaaradda Caafimaadka, bukaanada waxaanu u samaynaa balamo, toddobaadkiina laba jeer ayaa la eegaa bukaanada cusub, maalinta Axadda iyo Maalinta Isniinta, maalinta Arbacadana bukaanadii daawooyinka hore loo siiyay ayaa dib ugu soo noqda Cisbitaalka si ay daawada u qaataan, markaa haddii bukaankaasi ladnaado daawada ayaa laga yareeyaa, haddii uu bukaankaasi sii kacsan yahayna dawada ayaa laga bedala ama daawada ayaa laga yareeyaa"
Dr Mustafe Xuseen Xirsi, waxa uu sheegay inay wax ka bedal ku sameeyeen hanaanka uu Cisbitaalka guud ee Dhimirku u shaqeeyo "Waanu bedalnay nidaamkii hore ee Cisbitaalka ee bukaanadu gidaar walba ku xidhnaayeen, imikana Cisbitaalku wuxuu u shaqeeyaa nidaamka imika caalamku u shaqeeyo" ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Barigii hore Cisbitaalka waxa ku jiray 100 nin oo bukaan ah iyo 50 dumar ah (oo qaba xannuunada dhimirka), laakiin nasiib wanaag maanta waxa ku jira 45 rag ah iyo 25 dumar ah, waxaanu badinay bukaanadii dibada, oo waxaanu yareynay bukaanadii gudaha, taasoo ka turjumaysa bukaanku marka uu ladnaado inuu dibada u baxo oo uu dibada daawada ku qaadan karo, fahmi karo in xanuunkani yahay xanuun la mid ah xanuunada kale ee qofka ku dhaca, maahmaaha aynu aaminsanahay ee ah "Qof mar waashay wuu ladnaaday mooyaane, wuu bogsaday Malaha" waana been, qofku wuu bogsanayaa oo uu shaqo tagayaa, umaddii ayuu dhex galayaa oo wuu shaqo tagayaa oo waalidkiisii, naftiisa iyo ubadkiisii ayuu wax tarayaa, waa qof xitaa haddii aanu reer lahayn reer samaysan kara, markaa in maahmaaha khaldan ee qofka bani-aadamka ah lagu sii fogeynayo in laga daayo ayaa wanaagsan oo la soo dhaweeyo oo wallaaltinimo la tuso, had jeerna waxa jira takoorid had iyo jeer bukaankii lagu sii fogeynayo oo magacyo loogu bixinayo xanuunkii ILAAHAY qofka ku keenay, waxa kale oo jira tuuryo dhibaato ku haysa dadkaa xanuunsanaya, dadkaa xanuunsanaya ee dhibaatadu haysato in dhib kale loogu sii daro aad iyo aad ayaan uga xumahay, waxaanan leeyahay qofkii wax dhalow ubadkaaga ka cesho (Dadka ay waalida ku caayayaan), qofka weyn ee sida xun ula hadlayaana sidaa ka daa’, oo ula hadal sida quruxda badan ee aad qofka caafimaadka qaba ula hadlayso"
Dr Mustafe, waxa uu fariin u diray dadwaynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyay talooyin la xidhiidha sida ugu haboon ee qofka bukaanka ah loola tacaalayo marka xanuunku ku cusub yahay "Had iyo jeer qofka bukaanka ah marka uu xanuunku ugu horeeyo ee ay dabeecaddiisii fahmi waayaan, markaba waxa lagula ordaa meelo aan ahayn meeshii uu xaqa u lahaa in la geeyo, bukaannada qaarkood ayaa laguu keenayaa iyagga oo soo baaba’ay oo in badan xanuunsanayey, sidaa daraadeed waxaan ku talin lahaa in marka ugu horeysa ee aad qofka caafimaadkiisa ka shakido inaad geyso halka dhakhtar kuugu dhow oo aad dhakhaatiirka kala tashato, hadduu xanuun dhakhtar yahay isagaa kuu sheegaya oo daweynaya"
Isu-duwaha Waaxda Dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxa kale oo uu sheegay "Dadku way arkaan, oo reer walba wuu yaalaa xanuunkaasi (Xanuunka waalida), geed walba in gubtaa way hoos taalaa ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa, xanuunkan shaqo la’aanta baahsan baa keenaysa, qaadkan xili walba la cunayo ayaa keenaya, dagaalo ayaynu ka soo doognay, xanuunada waa laga bogsan karaa, shaqooyinna waala helayaa oo waddankeenu waa waddan dihin, waa in la samro oo niyada khayr haloo sheego, maanta haddii aanad shaqo hayn bari ayaad helaysaa, ILAAHAYNA Waxaan ka rejaynaya inuu umaddeena ictiraaf deg-deg ah siiyo, umaddana ILAAHAY caafimaad sareecan ah siiyo, waana in dadkeena dibada jooga iyo kuwa gudaha joogaaba ay u kacaan oo dadkan hoos loo eego oo baahidooda la iskaga yimaado" ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Halkan waxaan uga mahadnayaa ururada Barwaaqo, Nasteexo, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud, Maamulaha Cisbitaalka iyo dhamaan shaqaalaha ka hawl-gala Waaxda dhimirka ee Cisbitaalka guud ee Magaalada oo runtii habeen iyo maalin aan ka seexan hawsha dadka xanuunada dhimirka qaba, wasaaraduna xoog weynbay saartay sidii ay wax ugu qaban lahayd ama ay kor ugu qaadi lahayd tayada shaqaalaha iyo meelo ay tababaro ka helaan dadka maskaxda ka bukaa ay ladnaadaan"
(GNA) Isu-duwaha Waaxda Dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Mustafe Xuseen Xirsi, ayaa ka waramay xaaladda Bukaanada ku jira Cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in isbedal balaadhan lagu sameeyay hanaanka halkaasi dadka loogu hayo ama loogu daaweeyo.
Dr Mustafe Xuseen Xirsi, oo uu maanta xafiiskiisa ku booqday Cabdiqaadir Askar oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta somaliland, ayaa sidoo kale baaq u diray dadwaynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyay in la soo dhaweeyo dadka maskaxda ka buka, balse aan la takoorin.