Monday, October 21, 2013

Som:Jubaland oo Dareen Fiican ku qaabilay wefti ka socda DFS oo Dersaya Waaqica Siyaasaddeed ee Kismaayo+Sawirro


Kismaayo(GNA)-Madaxda Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Jubaland ayaa Garoonka Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wefti ka socda dawladda Federaalka Somaliya oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo halkaasi soo gaadhay maanta oo Axad ah gelinkii dambe.




Weftigaan oo kooban Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, Kismaayo yimi Maalin ka hor xili la filayay inuu Berri Muqdisho ka furmo Shirka dib u Heshiisiinta Goboladda Jubbooyinka.




Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka ayaa wafdiga dowladda federaalka ah ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.




Madaxweynaha Jubaland ee Dawladda Heshiiska kula jira Sheikh Axmed Madoobe ayaa isaguna ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo.




Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Warbaahinta la hadlay soo dhaweynta ka dib, ayaa sheegay in ka shaqaynta amniga iyo xogogaal u noqoshada nolosha Bulshada Gobolku xudun u tahay imaanshiyaha weftigan.




Cabdikariin Guuleed  ayaa ujeeddada safarkooda ku tilmaamay u kuur-gelidda xaaladda gobollada Jubbooyinka, xoojinta heshiiskii Jubba iyo nabadgelyada, waxaanu muujiyay niyad wanaag uu kaga jawaabayo sida loogu soo dhaweeyay.




Axmed Madoobe ayaa isaguna sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga, isla markaana wixii hawl ah ee jira uu kala hadli doono.




Weftiga ayaa caawa u hoyday Kismaayo, waxaana lagu waramayaa inay jiraan kulamo hoos iyo shirar is-daba jog ah oo ka socda Madaxtooyada Axmed Madoobe iyo meelo kale oo aan ka fogayn.




Berri oo Isniin ah kuna beegan 21 Bisha October, ayaa lagu waday inuu furmo shir lagu sii ambo qaadi lahaa Heshiiskii Dawladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland ku dhex maray Magaalada Addis-ababa bishii aynu soo dhaafnay.




Laakiinse wali ma muuqato saan-saan uu shirkaasi ku suurto gelayo ilaa xal lagu soo gaadho Magaalada Kismaayo.




Inta badan Bulshada Wax-garadka ah iyo dadka ku hawlan arrimaha siyaasadda ee Goboladda Jubboyinka ayaa ka soo horjeeda in shirka lagu qabto Muqdisho, waxaanay doonayaan in gogosha wada hadalka nabad iyo dib u heshiisiinta la dhigo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.




Muwaafaqo siyaasaddeed oo ay wada gaadhaan Siyaasiyiinta hogaaminaysa Jubaland ee dawlada isfahamku dhexmaray iyo weftiga ayaa laga sugayaa heshiis ku saabsan meesha lagu qabayo shirka iyo qodobada looga hadlayo iyo waliba cidda shir-guddoonkiisa lagu aaminayo.




Dawladda Federaalka ah ayaa awood sharci u haysata Guddoominta shirarka dib u heshiisiinta iyo arrimaha maamul u samaynta goboladda dalka, balse waxa muuqata inaan Kooxaha ku hirdamaya Magaalada Kismaayo Kalsooni buuxda ku qabin inay si isku mid ah ugu garsoori doonto dawladdu.




Hoos ka daawo Sawiro:-  




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com