Sunday, October 13, 2013

SL: Xukuumadda Madnuucaysa Magaaleynta Dhul-daaqsimeedka iyo Shaqaaqo ka dhalatay oo la xaliyay


Qarraro(GNA)-Waan waan lagu soo af-jarayo Shaqaaqo ka dhacday deegaanka qararro oo Gobolka Saraar ka dhacday ayaa ka socota Deegaankaasi.




Shaqaaqadaasoo ka bilaabantay khilaaf laba beelood ku dhex maray qodista Baraago Biyaha laga cabo, ayaa sababtay iska hor-imaad hal qof ku dhintay oo laba maleeshiyo dhex martay.




Xiisaddan ayaa lagu guulaystay in la damiyo, ka dib  Gurmad dhinaca xukuumadda iyo Bulshada Gobolka togdheer kaga baxay laba maalmood ka hor, waxaanay haatan maraysa in labadii beelood ee dagaalku dhex maray Ogolaadeen in arintaasi wada hadal lagu dhameeyo , una qabsoomeen ergooyinka dhexdhexaadinaysa.




Waxaana habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay la dhaariyay Odayaasha laba dhinac “hawshaa si wanaagsanbaa loogu gurmaday, waxaanay maraysaa meel fiican  oo looma kala hadhin” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Xildhibaan Maxamed Abyan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Caynaba oo ka mid ahaa masuuliyiinta dawlada ee arintan ku baxay.




Waxaanu intaasi ku daray “hawshu iminka waxay maraysaa in laga wada xaalo dilkii dhacay oo qolladda loo tirinayaa qaadatay, waxaana lagu rejo-waynyahay inay dhakhso uga heshiyaan taana”ayuu yidhi.




Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo xalinta xiisaddan halkaasi u tegay, kuna sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa labada dhinacba u soo jeediyay inaan la ogolayn Magaaleynta Dhul-daaqsimeedka, isla markaana dawladu aanay aqbalayn in deegameynta dhulka xooluhu munaafacaadsadaan.




Wasiirka ayaa la sheegay inuu shaaciyay qorshe cusub oo dawladdu, kula dagaalamayso Oodashada iyo magaaleynta Dhulka xoolo daaqeenka ah, taasoo looga danleeyahay in la ilaaliyo deegaanka iyo in laga hor-tago khilaafaadka bulshada ku dhex mara.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dawladda ee arinta ku foogan, balse go’aankan ayaa hadii uu fulo wax badan ka taraya labada arimood ee lagu saleeyay hindisaha ka dambeeya.




Dagaal ka dhashay Muran deegaan oo ka dhacay laba bilood ka hor deegaanka Gowso-weyne oo ka Gobolka Sanaag ka tirsan ayaa sababay Khasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawac dad  u badan, waxaanu ka mid ahaa iska hor-imaadyo saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay ka dhacay Goboladda Sool, Buuhoodle iyo Sanaag oo dhamaantood ka dhashay muran deegaan.




Kuwaasoo galaaftay nafo tiro badan oo hadii tiro koob lagu sameeyo boqolaal dhimasho ah iyo dhaawac ka badan soo hooyay.




Gobanimonews




Burco Office




Email; editor@gobanimonews.com