Tuesday, October 15, 2013

SL: Ciidamada oo ka biyo-diidsan Mugdi ku jira Lacagta Mushaharkooda looga jarayo Waddada Ceerigaabo


Hargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska iyo Milateriga Somaliland ayaa la sheegay inay walaac ka muujiyeen go'aan xukuumadda ka soo fulay oo amraya in Askari walba 3 Dollar qaadhaan ah looga jaro Mushaharkiisa wadada isku xidha Burco iy Ceerigaabo, kaasoo qayb ka ah wareegtooyin uu Wasiirka Madaxtooyaddu ku soo kala rogay dhamaan Shaqaalaha dawlada iyo Xukuumadda.
labada Ciidan, ayaa maalin ka dib markii la dhagax-dhigay Laamidaasi ku dhawaaqay inay mid Hal doolar oo Mushaharkooda ah u jarayaan jidkaasi,waxaana iclaamiyay labada Taliye Ciidan oo Magaalada Burco shir jaraa'id ku qabtay Maalin ka dib markii Madaxweynuhu dhagax-dhigay jidkaasi.
Halkan Riix http://gobanimonewsLabadataliyeciidanooarintan.
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ilaa laba Milyan iyo Badh Dollar oo qayb ka ah Dhaqaalaha lagu dhisayo jidkaasi ka imanayaan qaadhaanka shaqaalaha dawlada heer Madaxweyne ilaa shaqaale hoosaadka, iyo Goleyaasha kala duwan iyaguna ka qayb-qaadanaya.
“ waxaanu annigoo ka wakiil ah dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland waxaan balanqaadaynaa inaan saddexda bilood ee ugu horeeya ee soo socda in Askari walba $1 (Hal dollar) oo Mushaharkiisa ah ugu deeqayo dhismaha waddadan Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa”sidaasi waxa yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale.
Geesta kale Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa sheegay “Ciidanka Bilayska Somaliland isagoo mar walba heegan u ah sugida amaanka dalkiisa iyo inuu ka qayb-qaato horumarinta waddanka, waxaanu ugu deeqaynaa waddadan oo aan halkan ka balanqaadaynaa inaanu saddexda bilood ee soo socda Mushaharka Ciidanka askari walba hal dollar ugu deeqayo waddada, waxaanan bulshada reer somaliland u soo jeedinayaa inay kaalintooda ka qaataan dhismaha jidkaasi”ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iiman
 Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna arintan qaadhaanka Ciidanka ka hadlay, waxaanu sheegay inay Taliyeyaasha Ciidamadu soo qorsheeyeen in Askarigiiba 3Dollar laga jaro, taasoo uu ku daray lacago uu sharaxayay oo qaadhaanka dawlada ah.
"Ciidamada 3 Dollar ayaa loo qorsheeyay oo ay soo qorsheeyeen Taliyayaasha Ciidamadu, markaa waxaan ku qiyaasayaa in dadka dawlada u shaqeeyaa lacag ilaa Milyan iyo badh oo Dollar ah oo qaadhaan ah ay ka soo baxdo, lacagtaasina waa qaadhaan ee Maaha Cashuur"ayuu yidhi.
Ma cadda inay jirto lacag wasiir xirsi iyo xukuumaddiisu ay lacagta Ciidanka laga jarayo bil kasta 3 Dollar ka dhigeen iyo inuu ula jeedo saddexdan ay bil-bisha u bixnayaan, balse waxa jira guux hoose oo maalmahan dambe laga dareemayay Ciidanka dhexdiisa, sida ay Gobanimonews xogo kala duwan ku heshay.
waxaana guuxaasi laga dhadhansanayaan inaanay Askarta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanku qaadi karin lacag ka badan tan hore looga jaray iyadoo aan lagala tashan ee ay Taliyeyaashoodu ku dhawaaqeen, taasoo markii ay ka war-heleen aanay wax dood ah inta la ogyahay aanay ka keenin.
Waxaana xusid mudan in marka la eego lacagta ay labada dhinacba shaaciyeen ay saddexdaa Dollar ku soo uruurayso, balse hadii u jiro go'aan lagu kordhiyay waa inay dhinacyada manjaraha u haya hawshani cadeeyaan sida ay wax u jiraan iyo inay cadeeyaan qadarka qaadhaanka Mushaharka Ciidanka looga jarayo Waddada Ceerigaabo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com