GNA_Xidiga kooxda Chelsea Juan Mata ayaa diyaar u ah in uu ka tagayo kooxda bisha January iyada oo kooxda dhaqaalaha badan isku qarashgareysay ee Parsi Saint-Germain ay diyaarineyso in hanti gaadheysa 41 milyan oo gani ay ku qaadato kubad sameeyaha reer Spain.
Laacibka reer Spain ayaa ku soo bilawday goolna dhaliyay ciyaartii Talaada Capital One Cup ay Chelsea ka hortagtay kooxda Arsenal, laakiin xidigu kuma farasana in uu ka hoos ciyaaro Tababare Jose Mourinho, waxaana laga yaabaa in uu kooxda ka tago.
Tababare Jose Mourinho ayaa ka saaray Line up-kiisa koowaad kubad sameeye Juan Mata iyadoo sidoo kale laga waayay ciyaartii horyaalka ee Chelsea ay garaacday Manchester City.
Juan Mata ayaa u baqdinqaba booskiisa koobka aduunka ee ka dhici doona Brazil waana sababta ku riixeysa in uu ka dhaqaajiyo garoonka Stamford bridge si uu helo fursad ah in uu ka mid noqdo ciyaartoyda Spain u matali doonta koobka Aduunka.
Chelsea ayaa goor hore u diiday 25 jirkan in ay ka beeciso kooxaha ay ku xifaaltamaan horyaalka Premier League ee kala ah Manchester United iyo Tottenham kuwaasi oo diyaar lahaa dhaqaalo badan.
Si kastaba, PSG ayaa hogaamineysa kooxaha doonaya in ay helaan laacibkan laakiin waxaan meesha laga saari karin kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid oo iyaguna horay u soo bandhigay xiisaha ay u hayaan Juan Mata.
Mata ayaa ahaa ciyaaryahan ka tirsan Chelsea labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay isagoo xilli ciyaareedkii u danbeeyay dhaliyay 12 gool islamarkaana caawiye ka ahaa 12 kale oo laga dhaliyay horyaalka Premier League kaliya.