(GNA) Dowladda Mali ayaa sheegtay inay xabsiyada ka sii daysay 23 maxbuus oo xidhiiidh la lahaa ururka gooni u goosad doonka ah ee Tuareq kadib dadaal lagu doonayo in horumar laga gaadho qorshihii nabad ee Tuareq lagula jiray.
Maxaabiista haatan la sii daayay ayaa la sheegaya inay ahaayeen kuwo inta badan lagu soo qabtay dagaalada ay Jabhada Mucaaradka ee Tuareq kula jirtay dowladda Mali .
Arrintani siidaysmada maxaabiista ayaa la sheegayaa inay qayb ka tahay sidii dib loogu soo celin lahaa heshiiskii qorshaha nabada ee ay Tuareq sheegtay todobaadkii hore inay ka baxday heshiiskaasi.
Wasiirka cadaalada dalka Mali Max’ed Cali Bathily ayaa sheegay in tilaabadaasi ay dowladdiisu u qaaday dhinaca heshiis lala saxeexdo kooxda kale ee NMLA ee mucaaradka ku ah dowladda Mali.
Jabhada Mucaaradka ee NMLA ayaa kamid ahayd kooxaha mucaaradka ah ee gacanta ku dhigay qaybo badan oo kamid ah waqoyiga dalka Mali kadib afganbigii Militeri ee dalkaasi ka dhacay bishii March ee sanadkii hore.
Dowladda Mali ayaa hore u sii daysay 32 maxbuux kadib heshiiskii xabad joojinta ee ku jireen dowladda iyo mucaaradka Tuaraq kaasi oo ay dowladda iyo mucaradku ku kala saxeexdeen caasimada wadanka Burkina Faso.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com