Jubba(GNA)-Madaxweynaha Sudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa Maanta Booqasho ku tegay Koonfurta Suudaan , waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Jubba ee Caasimadaasi dalkaasi.
Cumar Xasan Al-bashiir, ayaa Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dawladda Koonfurta Sudan oo ay labaatan sanadood in ka badan ku dagaalamayeen sohdinta u dhaxaysa labada dawladdood, ka hor intaanay kala go’in.
Madaxweynaha ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Dhigiisa Koonfurta Sudaan Salfa kiir, waxaanay labada hogaamiye ka wada hadlayaan xal u helida Gobolka Abey ee ay ku muransanyihiin labada dhinac.
saraakiisha arrimaha dibada u qaabilsan labada maamul, ayaa sheegay inay labada hogaamiye wax badan iska waydiiyeen arimaha abbey iyo sida loo abuuro karo xidhiidh dhaxal gal ah oo labada dhinac dhex mara.
Madaxweynaha Koonfurta Sudan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in qorshe nabadeed la gaadho“Waxaanu Diyaar u nahay inaanu nabad ka abuurno suudaan”ayuu yidhi Salva Kiir oo hadlay.
Barnaba Marial Benjamin, oo ah Wasiirka arrimaha Dibada ee Koonfurta Sudan, ayaa sheegay “ Dhismaha Xidhiidh dhex mara labada waddan, waa isku xidhka Istaraatiijiyada”ayuu yidhi.
“arinta Abey waa mida ugu horaysa ee Miiska u saaran labada madaxweynaha” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha dibada ee S. Sudan.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Sudan Ali Ahmed Karti ayaa sida ay baahisay Wakaalada wararka dawlada Sudan ee SUNA, isaguna sheegay “ dhamaystirka cabsida arrinta Abey waxay noqonaysaa horumar laga sameeyay horumar xoojinta xidhiidhka labada dal” ayuu yidhi.
Gobanimonews
Jubba Office
Email: editor@gobanimonews.com