Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay Safar uu ugu maqnaa Waddanka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa muddo todobaad ah Booqasho ku joogay Magaalooyinkaa Stanbuul iyo Anchor halkaasoo ay kula kulmeen Madaxda dawladaasi iyo Maal-qabeeno waaweyn.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kulamadaasi Heshiisyo kula soo galay Masuuliyiintii ay la yeesheen, waxaana ugu weynaa qodobada ay isku af-garteen in Mashaariic Maal-gashi iyo mucaawimo isugu jira ka fuliyaan Somaliland.
Kulamadaasoo dhacay bilowgii booqashadooda Turkiga ka dib wax war ah lagama helin weftiga, waxaana maalmahan lays weydiinayay muddada arimaha ay u sii joogaan dalkaasi.
Ilo-wareedyo aan wali soo shaac bixin ayaa sheegaya in safarka madaxweynaha y ku lamaaneyd arimo caafimaad oo uu halkaasi ugu sii hakaday, lamase hubo wali warkaasi.
Madaxweynaha oo markii uu ka soo degay Madaarka Warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii safarkaasi uga soo qabsoomay, waxaanu sheegay inuu ku soo dhamaaday.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com