Saturday, October 12, 2013

Haweeney uur been ah ku soo qarisay Daroogo oo laqabtay,


(GNA) Haweeney u dhalatay dalka Canada ayaa lagu xidhay Airpor ku yaala dalka Colombia, xili ay ku sii jeeday magalada Toronto ee xaruta dalka Canda. Haweenaydaan ayaa lagu qabtay Daroogada nooca loo yaqano cocaine xili ay doonaysay in ay si farsamayso ah ku dhaafiso   Airporkaasi .




Haweeneydan ayaa caloosha ku soo xidhatay suun wayn oo cinjir ka samaysan oo la moodo in ay tahay qof uur leh oo xaamilo ah , balse markii laga shakiyay oo aaritaan ku sameeyeen booliska ayaa waxaa laga helay darogo fara badan oo ay waday… Haweenaydan ayaa xabsiga loo dhaadhiyay , waxay halkasi ku sugu doontaan xukun. dalka Colombia ayaa waxaa uu ka mid yahay wadama sida aad ka ah boliiskooda ula dagaalamo daroogada cocaine…..




Diyaariye C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com