Wednesday, October 23, 2013

Haweeney ka tirsan Police-ka Dalka Ingriiska oo qaadatay diinta islaamka Kadib markii wacdi Facbook loogu qoray


( GNA) Wargeysyada Dalka Ingiriiska ayaa waxay qoreen Haweeney ka tirsan Ciidanka Booliska Britain in ay Islaamka ku soo biirtay kadib markii laga dhaadhiciyay wanaaga ay leedahay




Haweeneydaan oo lagu magacaabo Teaserayaa waxa ay sheegtay in ay ku qanacday nolasha Islaamka ayna aad u jeceshay in ay iyada oo Islaam ah dhimato.




Ms. Lucy Vallender Haweyneydaan oo 28-sano jir ah aya waxey tilmaamtay in hadda ay guursatay Nin Muslim ah kaas oo ay isku barteen Bogga Facebooka, intii aysan qaadan Diinta Islaamka.




Waxaa kaloo jira in la isku sheego Islaamnimo si looga dhex jilaabto loona dhex galo Bulshadda islaamkaa isiiba kuwa Soomaalida oo aan marna dib u fiirin ama aan isweydiin Qofkan maxuu yahay, maxuuse ahaanjiray.




Inkasta oo ay sidaasi jirto ayaa hadana diinta Islaamku waxa ay qabtaa in ruuxii sheegta in uu Islaam yahay intaas uun looga ekaado oo aan daba gal iyo su’aala badan lagu wareerin




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobonimonews.com