Tuesday, October 8, 2013

Hargeysa:Xildhibaan Guurtida ah oo Iska Fogeeyay ku Lug-lahaanshiyaha Dil 4 Cisho ka hor dhacay oo lagu xidhiidhayey.Warsaxaafadeed


Hargeysa, October 7, 2013 (GNA) – Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa iska fogeeyey dil lala xidhiidhiyey oo 3-dii bishan October 2013  Askari Ciidanka Bilayska ka tirsani ku dilay Alle ha u naxariistee Marxuum magaciisa la odhan jiray Siciid Faacuul, kaas oo uu sheegay inaanu wax shuqul ah ku lahayn.




Dilka xildhibaanka lala xidhiidhiyay ayaa ka mid ahaa dilal is-daba joog ah oo habeeninadii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda.




Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan waxa uu sheegay in Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Balay-ga Cas inuu ahaa mid qadarka Alleh ku dhacay, isla markaana aanu ahayn mid qorshaysnaa, kaas oo tibaaxay in dad uu ku tilmaamay Fidmo wada-yaal ay suuqa u galiyeen inuu isaga ka danbeeyey Dilkaas, si adagna u deedefeeyey wararkaas ka dhanka ah.




Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews ayuu ku sheegay sidan:-




”Aniga oo ah Xildhibaan Maxamed  Sh. C/raxmaan  waxaan marka hore Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay All ha u naxariistee Marxuum Siciid Faacuul oo aan isagana Ilaahay uga baryeyo inuu Naxariistiisii jano Waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Intaa ka dib Ilaahay waxaan intaas u dhaafayaa Aayada Quraanka Kariimka ah ku taal ee uu Ilaahay ku yidhi “Yaa Ayuhuladiina Aamanuu Injaa’a kum Faasiqun inaba’in fatabayanuu antu-Shiibu qawman Bi-jahaalati fa-tus-bixuu Calaa Maa Facaltum Mu’adamiin”.




Intaas waxa aan u dhaafayaa waxa maalmahan Warxumo tashiil Bulshadda kusoo dhextuuray in Dhimashada Alle ha u naxariistee Marxuumkaas aan kor ku soo sheegnay uu dilka loo gaystay ahaa mid loo qorsheeyey, looguna talo-galay. Hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay Sal iyo Raad-toona lahayn hadaladaas Warxumo tashiilku Bulshadeena ku soo dhextuureen ee la dadkeenu beenta loogu sheegayo ee la leeyahay Xildhibaankanaa ka danbeeyey Qorshaha lagu dilay Marxuum Siciid.




Waxaan leeyahay inta Warxumo tashiilka ka dhexwada Bulshadda  Ilaahay ha idin Tuso Xaqa iyo Wanaaga , waxaanan  u sheegayaa Cidkasta oo Arrintaas si qaloocan loo galiyey in Shilkaas uu Marxuumkaas walaalkeen ahi uu ku geeriyooday inuu ahaa mid Qadarka Ilaahay ku dhacay, wax ujeedo ah oo ka danbeysayna aanay haba-yaraatee aanay jirin.




Ugu danbayn waxaan leeyahay dadkeena Ehlu Cilmi wal Caqliga ah oo aan u soo qaadanayaa Qisadii Nabi Ibraahim iyo Aabihii dhexmartay, waxaanan u soo xulay Doodii dhexmartey Nabi Ibraahim Aabihii oo Caabudayey Sanamo, aabo ahaana wuxuu ka mudnaa  waano, wanaag, daryeel iyo darajayn iyo inuu la jeclaado Khayr oo dhan. Sidaa darteed ayuu Aabihii ugu yeedhay inuu raaco Xaqa iyo Islaamnimada, waxaanan soo qaadanayaa Suuratul Maryam Aayadaheeda 40-aad ilaa 45-aad ee “Wadkur Filkitaaba Ibraahiima Inahuu Kaana  Sidiiqan Nabiyaa, Id-qaala Lii abiihi yaa abatii Limaa tacbuduu  maala yasmacu, walaa yubsiru walaa yuqni Canka Shay ah.




Yaa abatii inii qad Jaa’anii minal  Cilmi maalam ya’tiika fatabacnii ahdiika Siraadan Sawiya- yaa abatii laa tacbudu Shaydaana ina Shaydaana Kaana lil Raxmaana Casiya.




Yaa abatii inii akhaafu an Yamsaka cadaabu minal  Raxmaani fatakuuna lil shaydaani Waliya”.




Aayadahaa kor ku xusan wuxuu Allaah ku soo qaatay doodii dhexmartay Nabi Ibraahim iyo Aabihii, wuxuuna ku xusay sida Ibraahim uu ugu yeedhay aabihii xaqa oo ah si xigmad iyo naxariis leh, waxaanu u sharaxay sida uu ugu gafsan yahay Xaqa”.




Hadalka ka soo yeedhay Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya afar maalmood ka dib markii Askari ka tirsan sida la sheegay ciidanka Birmadku xabad ku dhuftay Nin Shicib ah sababo aanay ilaa hada Hay’adaha amaanku sharaxaad ka bixin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com