Ceerigaabo(GNA)-Ollolaha Doorashooyinka Baarlamanka Puntland ayaa ka socda Degmooyinka Bariga Sanaag ee Somaliland, taasoo bulshada Gobolka Badhan ku xulanayso xubnaha u metelaya Golaha wakiiladda ee Maamulka Faroole oo markii labaad lagu dooranayo hab ku dhisan Beelaysi.
Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland Cabdixakiin Wahaabi oo uu magacaabay Madaxweynihii hore Dalka Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay si kedis ah uga laabtay Magaalada Hargeysa oo uu hawlo shaqo ku joogay, sababo loo aanaynayo arintaasi.
Ma cadda sababta ka dambeysa dib u laabashada Guddoomiye Wahaabi oo tegay Magaalada Badhan ee xarunta Gobolkaasi, balse ilo-wareedyo lagu kal soonyahay ayaa Gobanimonews u sheegay in safarkiisu la xidhiidho sidii uu uga qayb-qaadan lahaa Olole Nin ay walaalo yihiin ugu jiro xubnimada Baarlamanka Maamul Goboleedka Puntland.
Magaalada Badhan iyo deegaamada ku xeeran ayaa lagu soo waramayaa in Olole siyaasadeed oo lagu xulanayo xubnahaasi ka socdo, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaban Gobolkaasi uu la safanyahay Ninka ay walaalaha yihiin oo magaciisa la yidhaahdo Faysal Wahaabi, doonayana inuu ka mid noqdo xubnaha Badhan laga dooranayo .
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag u qaabilsanaa xukuumadda Faroole ayaa ka mid ah xubnaha u ordaya Baarlamanka Garoowe, kaasoo dhawaan Magaalada Hargeysa ka tegay, ka dib markii Madaxweyne siilaanyo u magacaabi waayay Mansab wasiirnimo oo uu Somaliland ka soo doontay.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore uga digtay Puntland in doorashooyinkeedu wax saameyn ah ku yeeshaan Deegaamada Somaliland ee Bariga, gaar ahaana kuwa ay ku muransanyihiin labada Maamul.
Guddoomiye Wahaabi oo aanu isku dayanay inaanu arintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin,balse Ilo-wareedyadu waxay intaasi ku darayaan inay ka go’antahay sidii uu ugu tun-tuunsan lahaa in Ninka ay walaalaha yihiin xubin uga noqon lahaa Baarlamanka, taasoo mugdi ku noqonaysa siyaasaddiisa Somaliland ee xilka loogu dhiibay.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com