Makka(GNA)-Nin 37 sano jir ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa socod uu kasoo bilaabay magaalada Karachi ee wadanka Pakistan, 5 bilood kadib gaadhay wadanka Sacuudiga 1,dii bishan, isagoo halkaasi ku gudanaya waajibaadka xajka ee sanadkan.
Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Kharlzada Kasrat Rai waxa uu socodkiisa bilaabay 7 bishii June ee sanadka,waxaanu soo maray dhawr wadan oo Carbeed.
Wadamada uu maray waxa ka mid ah Iran, Ciraaq iyo Jordan,kuwaasoo uu dhamaantood socod Dhulka ah oo masaafo ahaan dhan 6,387 km ku soo maray.
Mar uu ka sheekeeyay wadamadii uu soo maray waxaa uu sheegay inay aad u farxad galisay inuu dalal Muslim ah soo dhexmaray oo loogu hambalyaynanay safarkiisa uu xajka ugu socdo.
“Waxa uu ii ahaa safar amaan ah oo aan ku dhex qaatay dunnida Muslimka waxaanaan jeclaan lahaan dunnida Muslimku u midawga sida ay wadamada reer Yurub u midoobeen oo isku raaceen oo kale” ayuu yidhi Kharlzada Kasrat Rai.
Kastat Rai waxa uu sidoo kale shaaciyay inuu cambaaraynayo dadka xumaynaya magaca Islamka oo ku tilmaamay inay argagixiso yihiin sida uu yiri waxaana uu xusay inay magaca Islamka qarribayaan.
Ninkan u dhashay dalka Pakistan waxa la sheegay inuu qibrad u leeyahay safarada dhaadheer waxaana la sheegaa in sanadkii 2007,dii uu socday masafoo dhan 1,999 km oo gudaha Pakistan ah taasoo ku qaadatay muddo 85 cisho ah.
sidoo kale Sanadkii 2009-kii ayuu u lugeeyay magaalooyinka Karachi yo Lahore oo isku jira 327 km, waxaanu safarkaas ku qaatay muddo 14 cisho ah.
Dhanka kale nin 80 sano jir ah oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sanadkan xajinaya markiisii 61,aad.
Ninkan oo la yiraahdo Sheikh Jabran Yahya Solaiman Al-Malki waxa uu imaam ka yahay masjidka Xiraz oo ku yaala magaalada Al-Dacir, ee Jazan dalka Sucuudiga, waxaana uu xajiyay 60 jeer oo hore.
Sheikh Jabran ma uu hadlay waxa uu xusay inuu waayo badan u soo joogay muslimiin fara badan oo xajinaysa,isagoo dawlada Sacuudiga ku amaanay sida ay sanad walba dib u habeyn ugu sameyso dhulka barakaysan ee wajibaadka xajka lagu guto.
Gobanimonews
Abu-dhabi Office
Email: editor@gobanimonews.com