Friday, October 18, 2013

Gabayadii Guubaabada Bulshada & Gumaysi La Dirirka ee Xaaji Aadan Af-qalooc. Q1aad.


Xaaji Aadan Axmed, oo Af-qalooc lagu naanaysi jiray {IHUN}, wuxuu ka mid ahaa suugaanyahanada laga wada yaqaan gayiga Soomaalida oo idil, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sanaag, wuxuuse ahaa dhulmareen iyo badmareen isaga kala gooshay dunida dacaladeeda, waxana uu naf iyo maalba u huray sidii guumaystaha Ingiriiska Somaliland looga saari laha Xaaji Aadan waxa uu ah halgama , waxa uu ahaa geesi aan gaban, deeqsi aan tashiilan. Wuxuu ahaa nin aad u dhiiran, aqoon casri ahna dadka dheeraa, dalmar ahaayoo dunida in badan ka arkay, waayo-aragnimo badana ka dhaxlay. Wuxuu in badan isku dayay hoggii aqoon darrada ee ay ku jirtay inuu Soomaalida ka soo saaro, wuxuu ummadda Soomaaliyeed ku boorin jiray Midnimadda iyo Wada-jirka. Maansadiisu waxay caan ku ahayd Gumaysi la dirir, Gobonimo u dirir iyo Dawlad wanaag.




Qarni badhkii muddo aan ka yarayn haddu Aasiyada koonfureed iyo Bariga dhexe ku maqnaa ayuu X.Aadan ku soo noqday gayiga S/land oo uu awal horeba yaraanimo kaga doolay, waxay ahayd in yar ka hor dagaalkii 2aad ee aduunku intii aanu dhamaan,markaas oo ay ummadihii la gumaysan jiray u kaceen inay gobonimadooda ka helaan dawladihii reer yurub ee dalalkooda xooga kaga haystay. Wax badan isaga oo aan joogin ayuu dhex galay culimadii diinta, madaxdii qabaa’ilka iyo guud ahaanba dadwaynihii dalka ku dhaqnaa, wuxuu ka doonay inay samaystaan ururo ay kula diriraan gumaystihii Ingiriiska ee ummadihii uu dalalkooda haystay meel wal oo kale ay kula dirirayeen. Ha yeeshee  taa lagama hoos qaadin, waxaana ku soo baxay rag aaminsanaa in aan Ingiriis lala dagaalami karin, dabadeedna markuu waayay wax dhagaha u raariciya ayuu bilaabay in uu tiriyo gabayo guubaabo ah oo uu dadka ku kicinyo. Waa tan Soomaalidu tidhaa wax suuro gal ah ciil iyo cadho kaa meel waayay inay goor danbe oo aanad filayn gabyaa kaa dhigaan. Sida Xaajigu sheegayna dhawr iyo todobaatan jir ayuu ahaa markii uu gabay bilaabay, horteedna iskuma dayin waligii iyo allihii. Hadaba akhriste ma ummalkii dhago-adaygii dadka ka hayay ayaa ka soo saaray hibadii maansoyahanimo ee ku duugnayd balse uu moogaa. Oo maxay sidaa u noqon wayday sawtuu Yuusuf X.Aadan Qabile {IHUN} inoo sheegay gabayga midka ugu macaani inuu yahay kan ciilka gaamuray ama jacaylka qadhaadhi ay kaa soo saaraan, sawkii odhan jiray:




Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin




Amaan olol jacayliyo kalgacal, kugu ijbaaraynin




Afkuun baad ka leedee tixihu, arar ma yeeshaan




Goor kastaba ha bilaabee gabayadiisa midka ugu qurxoon uguna kulul ayuu Xaajigu tiriyay hilaadii 1947kii, ka dib markii ingiriisku dilay halgamaagii waynaa, waa wadaadkii caanka ahaa ee la odhan jiray Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf.  Dhacdadii dilka sheekha hadaan soo koobo,  Sh.Bashiir waxa uu kamid ah Halgamayaashi Gayiga S/land  ee sida weyn ugu soo dagaalamay xoriyada dhulkeena isla markana sida weyn ula diriray gumaystaha, waxa lagu dilay aga-gaarka Buur-dhaab, isagoo ciidamadii ingiriiska la dagaalamaya, dabadeed kobtii uu ku iishay laguma asturine, maydkii sheekha burco ayaa la keenay, meel banaan iyo rarab dusheed ayaa la jiifiyay, si loogu taamilo qaatana maalmo dhawra ayaa in la aaso loo diiday, inay u soo daawasho tagaan mooyiye falkaa foosha xuna intii goobjooga u ahayd kama ay digiigixan kamana ay damqan. Taas ayaana X.Aadan ku mudnayd, gabaygiisii dheeraa ee guubaabada ahaa markuu tiriyay, gabaygii uu dhacdadaa araarta uga dhigay, ee Sh.Bashiir ku magacawnaa, waa gabaygii uu ku bilaabay.




Duhurbaa Bashiir lagu shanaqay, daar agtiina ahe




Damal la hadhgalaa buu ahaa, waqay duloobeene




Dahriga iyo laabtay rasaas, kaga daloosheene




Isagoo dam iyo dhiig leh oo, maro ku duuduuban




Dadkii uu necbaa iyo kufraa, daawasho u yimiye




Dacsad iyo ihaaniyo cag baa, loogu sii daraye




Maydkiisa oo daahira markii, dibada loo jiiday




Nimankii dilkiisii qirtiyo, idinka duunkiina




Markii aaska loo diiday waad, wada duljoogteene




Ma damqane jidhkiinii kolkaa, waad ku digateene




Nasab hadaad durriyadii tihiin, kama dareerteene.




Bashiir kaliya maahee wuxuu xaajigu garwaaqsanayaa raggii isaga ka horeeyay ee Soomaali inta u damqaday ka ehel waayay, nimankii xornimo-doonkooda u kacay ee loogu hiilin waayay, raggii daraadood u god galay sida Qaydiid Xirsi guure iyo Cali bahdoonkii reer Jabuuti, qaarkii iyaga aawadood xadhiga iyo mustaafuriska la isugu daray sida Xaaji faarax Oomaar iyo halgamaagii inta England uga yimid ay dhag u jalaq siin waayeen, aftahankii la odhan jiray Ismaaciil siyaad oo Ismaaciil tilifoon ku magac dheeraa, wuxuu yidhi:




Ma duugoobin qaydiid lafuhu, waana duxayaane




Duur looma jabin geesigii, dirirta waynaaye




Dar kaloo ciyaar lagu diliyo,daw gal baa jiraye




Oo aan deero deero u hirdiyin, sida digaagiiye




Isaga oo duligga aad qabtaan, dood ka celinaaya




Da’dii uu ahaa faarax baa, jeelka loo diraye




Haddeer buu siduu dilay arwaax, dibada meeraaye




Loo diid durriyaduu dhaliyo, duunyaduu dhaqaye




Gabonimo duqii cali bahdoon, doonisteed dhimaye




Tilifoonna wa kii dawakhay, doorkii uu yimide




Dacwad iyo wuxuu hadal yiqiin, idinka daw waaye.




Bal in dhiiggoodu dhaqaaqo, bal inay fikrada gobanimadu ku duxdo, bal inay ku dhiiradaan ingiriiska naga tag inay ku yidhaahdaan. Allaylahee ha xasuusiyo quudhsiga lagu maamulo iyo odayadoodii magaca lahaa sida ay saraakiisha ingiriisku ula dhaqanto. Wuxuu u sheegayaa haddi markoodii hore uu dhiidhi ka dareemi lahaa in gumaysigu dar-xumada uu hadda ku faraayo in aanu ku farenn, markaasuu yidhi:




Wax badanbaa karbaash lagu dirqiyay, duqiyo wiilkiine




Nin gadhkii camuud loo daray , oo dabada loo xayday




Oo ulo dubkiyo jiidhka suga, lagu daliigeeyay




Oo kuman dadkiisii ahaa, daawasho u joogo




Oo aan la diidine farxaan, lala dareeraayo




Waa dabac idiin gooniya aan, duulna waafaqine




Bahal cadarku dilaabaa jira ooy, digo shifaysaaye




Idinkana daliilkiyo wacdigu, waydin didiyaayne




Af dareera iyo baa sugtaan, diin la iibsado’e




Dib inta u shakiyi, ceebihii daahirka ahaaday




Maa laga dagaalamo naftaad, dib ula maagteene




Dulli inaad tihiin buu hubsaday, diinta caasiyaye




Dahab buu ku iibshaa dhulkaad, dir u lahaydeene




Hore hadaad u dirirtaan hadaanu, idinba daareene




Doqoniimadiinii hore ayay, daraf ku haysaaye




Danbarsada haddaa xaabadii, la isku soo dagaye.




 




La soco qormaayin kale oo xiiso badan…….




Qalinkii: C/xakiin Maxamed Careef




Careefyare@hotmail.com




Facebook: CabdiXakiin Careef