Friday, October 4, 2013

Dhib iyo dheef. By: Khadar Maxamed Xaashi


Baribaa waxaa inan la odhan jiray geele cabdi oo ahaa nin reer miyi ah ayaa wxaa uu ka tagay




Reerkoodiii iyo xoolahoodii kana kaaf toomay isla mar aahntaana maadama uu ka tagay xoolihii ay lhaayeen ee uu raaci jiray waxay reerkoodii ugu taliyeen in uu magaalada dhan ka galo




Oo uu isa soo saaro intaas ka dib reerkoodii waxay ushageen arin ay isla qaateen oo ah in inanka laba neef oo sahay ka dhito la siiyo si uu fara qabsiin uga dhigto uu kaga shaqaysto magaalada waxaanu isla markiiba soo galay magaalada markuu joogay in door ah ayaa waxaa uu lakulmay dhalin yaro reer magaal ah oo bilaa camal ah oo xaafada  uun ka soo baxaan fadhiiisanaya meelaha meheradaha ee shaaha laga cabo iyo goobaha la isku yimaadodeetana inta ay waxoogaa meeshaas ka sheekeeyaan hadana iska noqda hadana maalinta maalinta xigta 7:00 subaxnimo ilaa12:00 duhurnimo meeshii ku soo noqda galinka danbe 4:00 ilaa 6:oo maqribnimo fadhiya sabab la’aan  dabadeedna markuu arkay in aanay hami iyo qami toona lahay ayuu ninkii geele cabdi ahaa fikiray oo samaystay qorshe  hawleed uu kala soo baxo qawtal daruurigiisa si uu dadkan reer magaalka ah waqtiga iyo fursad intaa le’eg ku luminay meheradaha  bilaa camal la’aan   fadhiyo si dadkan uga dhaadhiciyo in  aanu isagu haysan waqti intaa le’eg ee macno la’aan isaga fadhiyomaadaamo   maahmaah soomaaliyeed tidhaahdo   xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan loona baahayahay in uu qofku la yimaado qorshe haw leed ku maamulayo hawlihiisa shaqo si uu uga faa’aadaysto waqtiga sabab la’aanta ku dhaafaya hadaba intaas ka dib geele cabdi waxaa samaeeyey shaqo abuur uu kaga hour maray dadkii miyiga iyo magaaladaba .




Waxaanu furtay hawshiisa shaqo aanu ka bilaabay dukaan jeeble yar waxaanu kiraystay kaaryoone calaa habeen lagaga kireeyo 500slsh ah waxaanu kaaryoonkaa saaray dhawr xabo oo buskud ah iyo bagaash yar yar oo kale intaas ka dib samirkii dulqaadkii uu sameeyey waxaaa ka gaadhay guulo wax ku ool ah oo gabi aahnba indhaha dadku ay qabanayeen maadama ay soomalidu tidhaah samara sadkii helawixii aad dhib u marto dheefteeda ayaad helaysaa.




Intaa ka bacdi geele cabdi  shaqo abuuristiisu waxay noqotay mid hour martay waxaanu samaystay kuna kasbaday dadaalkiisii tukaan wayn.




Waxaaanu u tagay reerkii kaga yimid  dhanka miyiga bil kasta waxaa u diraa oo  qoray saddex haaf oo raashin ah si ay isugu filaysiiyaan inta bisha ka hadhay .




Intaas ka dib geeli cabdi markay arkeen guusha uu ka soo hooyay shaqa abuurkii uu sameeyey waa ay u yimaadeen iyagoo calaa calaya waxana aya uga warameen sida ay tahay xaallada dadka ku nool meeshii uu degenaa  sida aanay waxba isaga badalin ee wax hour mar ah oo usoo krdhay  ayna jirin    ee  ay xoolihii ay dhaqanayeena ay gaababsi yihiin hase yeeshe ay u qireen in isagu helay dhibtii uu lakulmay dheefteedii indha hooduna ay macalin u yihiin .




Intaas ka dib geele cabdi intaa uu waxoogaa aamusnaa dhuuxanay hadalkoodii waxa uu ku bilaabay waa ilaahay mahadiikol hadii manta aan anigu dadaalkii aan sameeyey dheeftiisa aan helay waa tii soomalidu ku maahmaahi jirtay fadhi iyo fuud yicibeed la isla waa imikana waxaan xaafada u dira oo aan abaal marin uga dhigaa maadama  ay iyagu u sabab ahaayeen imaanshiyaha aan halkan ku imid ee aan ku gaadhay guusha hadba wxiii iga go’a ee aan u helo ayaan u diraa Hadba .




Odayaasha intaa ka dib waxaa uu kala taliyey odayaashii iyo dadkii jaarkiisa ahaa maskax fur furan oo wax is awydiisa iyo dadaal dheeraad ah in ay la yimaadaan oo ay ku horumarinaayn nafahooda iyo ta dadkooda si  ay u gaadhaan jidka guusha hadaba geela cabdi waxaa uu yidhi qofka kasta caafimaadkiisu taam yahay  waa in uu la yimaadaa dadaal iyo qorshe hawleed  ku horumarinayo noloshiisa iyo ta dadka kale ee bini aadamka ah ee kula nool koonka dushiisa hadaba hadaan intaa  ku soo dhaafo araarta iyo hordhaca maqaal kayga waxaan haatan isoo gundaa degi doonaa dulucda iyo mihnada maqaalkayga madaama kitaabka qura’aankakariimka ahna dhahoo wax aanad dhib u marin aanad dheeftiisa helayn .




Hadaba halkan waxaan idinku soo gudbin doonaa dhawr qodob oo aad u mihiim ah sida aan qabana wax weyn ka tari doona isbedelka  guud ee noloshiina




1: in uu qofku illaahiisa isku xidho oo aanu dadka wxaba ka soo qaadin iskana cafiyo umada nabi Mohamed (csw)




2:in uu qofku ogaado ka wxa bixayaa inuu yahay illaahay




3: in qofku ogaado inaanay cidina waxba kuu qori Karin ilaahay mooyaane




4: in uu qofku ku kalsoonaado ilaahiisa kuna qanco waxa uu illaahay lakulansiiyo




5: in meelkasta oo uu joogo u ogaado in illaahay joogo arsaaqdana uu bixiyo markastana uu isku xidho oo aamino.




6: in uu cilmiga diinta ahna uu xooga saaro oo ku dadaalo uu ku qaboobiye ogowna qofkasta oo cilmiga diinta bartaa wuu degen yahay taasna ay u sabab tahay raxmada alle




7: in  uu aamino wadankiisa  isagoo dheregsan iyo isagoo gaajaysanba .




8: wax kasta oo lagugu sameeyo amaba aad samaysid ogow in khayr kuugu jiro marka laga reebo waxa ilaahay nabigiisi raali ka ahayn.




9:in qofku ogaado in ilaahay marku ifka keenay uu u qoray risiqiisa meelkasta iyo madal kasta uu la kumayo risiqiisa .




10: in aanu qofku ilaahay cidina lawadaajin oo isaguun caabudo oo wax waydiisto oo isaguun ku xidhmo hadii cid u shariig yeelo uu ka gaalabaayaa.




Tallo bixin




1: in uu qofku ogaado aduunka waxa loo keenay inay tahay cibaado sida qawlka eebe  noo sheeagay alle casawajala waxaa uu leeayahay in jin iyo  insi waxkale umaan abuuran in ay aniga I caabudaan moyaane oo aanay cidna aanay ii shariig yeelin .




2: in dhalin yartu aay aaminaa wadankooda cibaadadan badiyaan




3: hadii uu qofku laa simo akhriska qura’aanka kariim ah iyo qawlka eebbe siiba labada suuradood ee idea waqac iyo suurato xashar akhriskoodana badiyo waligiina fakhri iyo busaarad toona la kulmi maysaan .




4: waxaa kaloo mihiim ah in qofku 99 ka magic ku digriyo waxaana cad marag madoona hadii uu qofku ku celceliyo AL RASAAQU  ilaahay u furayo farj khayr .




Guntii iyo gabagabadii waxaan maqaalkan dhib iyo dheef kusoo af meeri doona xadiiska nabiga oo ahaa (csw)qofka ilaahay xusaya iyo ka aan xusayn waxa ay isku yihiin qof dhintay iyo qof nool.




Isku  duuduub  waxaan leeyahay  waxaad dhib u  marto dheefteeda waad heli




Diyaariye : wariye khaddar Mohamed Hashi        (khaadar hollandiis )




E_ mail: Warsanhay@448outlook.com