Wednesday, October 9, 2013

Caawa iyo Hargeysa : Madal Kulmisay Haldoorka Somaliland oo lagu xusay Sanad Guuradii 1-aad ee Geeridii “AHN” Abwaan Gaariye



Hargeysa(GNA)-Munaasibad balaadhan oo kulmisay dad aad iyo tiro badan, ayaa Caawa lagu xusay Sanad 1-aad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum, Macalin Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo bishii October ee sanadkii hore ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Magaalada Oslo ee dalka Norway.




Xafladan oo lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hay’adaha Shaqaalaha Dawlada ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay dad isugu jira siyaasiyiin, Aqoonyahano, Suugaanyahano, Barreyaal iyo marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaasoo   xubno ka mid ah oo Xafladda ka hadlay ka warameen Taariikhdii  Marxuumka iyo Kaalintii uu ku lahaa Bulshada Somalida, gaar ahaan qaybihii ka mid ahaa ee Bahada Suugaanta iyo waxbarashada.




Sidoo kale waxa munaasibadaasi lagu daah-furay laba Buug oo Marxuumka laga qoray intii uu Mootanaa, kuwaasoo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale, daabacdayna Shirkadda Sagal Jet,labadaa buug oo mid lagu Uruuriyay Dareen Celintii Geeridiisa ee Abwaanadda iyo Qoreyaasha Somalida, midna Hadal iyo hawraar wixii uu ka tegay.




Sida uu sheegay  Mobaarig ismaaciil oo ku hadlayay afka Guddida soo qaban-qaabisay Xafladda, AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ahaa Macalin, Abwaan iyo Aqoonyahan qiime weyn ku lahaa Dhulka Somalida, isla markaana Barre Raad-reeb kaga tegay Tacliinta.




“ wuxuu ahaa Macalin qiimeyn jiray qaabeyna jiray qofnimada dadka uu wax barayo, intii uu ka shaqaynayay Jaamacadaha dalka iyo dibaddaba” ayuu yidhi Mobaarig.




Waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdi Yuusuf Aar oo ah Mulkilaha Shirkadda Daabacday Buuggaagta laga qoray Marxuumka, waxaanu sheegay inay doorka u qaateen si ay Bulshada u gaadhi dhaxal-reebka Abwaan, Macalin AHN, Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac “annagaa daabacnacay labadan Buug, anangoo qiimeynayna taariikhdii iyo kaalintii uu  abwaan Gaariye  ku lahaa dalka iyo Taariikhda uu ka tegay, waxaanan mar walba dhiiri-gelinaa dadka ku foogan inay bulshada gaadhsiiyaan waxyaabahan oo kale”ayuu yidhi.




Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Qaran ee UCID iyo Kulmiye, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda,qaarka ka mid ah Madaxda Jaamacaddaha waddanka, Xildhibaano, Qoreyaal, Abwaaniin uu ka mid yahay Dhaqan-yaqaan Hurre Walan-wal iyo xubno kale oo miisaan weyn ku leh qaybaha Bulshada Somaliland, ayaa iyaguna halkaasi kaga waramay taariikhdii Marxuumka, waxaanay dhamaantood Ilaahay uga baryeen inuu Naxariista janadda ka waraabiyo.




Dhinaca kale, inta badan Haldoorkii halkaasi ka hadlay waxay Dhalinyarada iyo Jilalka fursaddaha haysta u soo jeediyeen inay Marxuum Gaariye kaga daydaan Dabeecadihii wanaagsanaa iyo dadnimadii uu lahaa, dibna u eegaan waano iyo wacdi wixii uu wanaag ku suntay Dharaarihii uu noolaa oo suugaantiisa laga helayo.




Waxa Munaasibadaasi ka soo qayb-galay Qoyskii uu Marxuumku ka tegay oo ahaa afar Hablood iyo Hooyadood, kuwaasoo Baroordiiqda marxuumka loo sameeyay caawa dadkii xaflada ku sugnaa la qaybsaday, kana mid ahaa bulsho weyntii uga ducaysay kulankaasi.




Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) oo ahaa shakhsiyad aan la soo koobi Karin Taariikhdiisa tan iyo markii uu madaxa la soo kacay, isla markaana dhinacyo badan oo xusuus gal ah kaga suntan dadka reer Somaliland iyo somalida kaleba, ayaa 1/10/2012-kii geeriyooday ayaa maanta  oo kale 8 Cisho Geeridiisii ka dib si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.




  Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com