Wednesday, October 23, 2013

Boorama: Maayirka oo sharaxaad ka bixiyay qodobo ka soo baxay Gunaanadkii Kalfadhigii 3aad Ee Golaha Deegaanka


Boorama-(BON) Kalfadhigii 3aad ee golaha degaanka ee degmada Boorama ayaa si habsami ah loo soo gabagabeeyay lagana soo saaray qodobo dhawr ah oo daaran dardar galinta hawlaha uu golaha degaanku u hayo bulshadii soo dooratay, waxana maanta qodobadaasi ka soo baxay kalafadhigan sedexaad u soo bandhigay saxaafada Gudoomiyaha golaha degaanka ee degmada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi




Maayarka oo ka waramaya arimhaasi waxa uu yidhi “Waxa aan soo gabagabaynay kalfadhigii sedexaad ee golaha, waxa aan ka oo saarnay qodobo dhaxlgal ah kuwaas oo ay ka mid yihiin, hirgalinta xeerar taabanaya qofwalba oo muwaadin ah oo ku nool Boorama kuwaas oo u adeegay nuurinta bilicda Boorama oo ah arin waajib ku ah qofwalba inuu ka qayb qaato, sidoo kale waxa aan ka soo saarnay qodobo taabanaya dhinaca shaqo abuurka, kuwaas oo aan uga gol leenahay in dhalinta loo sameeyo shaqo abuur ku aadan sidii looga faadiidaysan lahaa caqligooda, cududooda dihin iyo cilmigooda casriga ah”




Maayarku isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Qodobada kale ee ka soo baxay waxa ka mid ah inaan ansixinay siyaadadihii ay ku dhaqmi lahaayeen waaxaha golaha degaanka ee degmada Boorama, waxana ay qodabadani tilmaamayaan sidii waax walba ay u garan lahayd shaqada ay u qaybsan tahay isla markaana looga bixi lahaa is dhexyaacii jiri jiray, waxana ay siyaasadahaasi meesha ka saarayaan waxyaabahihii hore ee isku dhex jiri jiray, waxana uu nuxurkeedu yahay shaqo qeexis cad oo masuuliyada saaraysa masuulkasta oo golaha ka mid ah.




Sidoo kale waxa aan hoosta ka xariiqnay oo aan isla waafaqnay qodobo u adeegaya kordhinta miisaaniyada iyo sidii loogu hawl gali lahaa kordhintaasi, waxana korodhka miisaaniyadu uu sare u qaadi doonaa waxqabadka arimha bulshada ee ay D/Hoose ee Boorama u qaabilsan tahay bulshada. Ayuu yidhi Maayar Saleebaan




Si kastaba ha ahaatee Waxa uu Maayar Saleebaan Sheegay in 2 qodob oo ka mid ahaa ajandihii u dajisnaa golaha in aan laga gaadhin wax midho dhal ah isla markaana dib loogu riixaay kalfadhiga kan xiga, mana sheegin maayarku qodobadaasi waxa ay ahaayeen, waxana la xusi karaa in kalfadhigaasi mudo ka dib uu soo gabagaboobay.




Wariye:Mustafe Caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office