(GNA) Booliiska dalka Filibiin ayaa saaka (Jimce) xoog ku galay guriga uu leeyahay Nur Misuari oo ah hogaamiyaha Jabhada Gooni isu taaga ee MNLF.
Hogaamiyahan Nur Misuari ayey dowlada Filibiin ku eedaysay inuu ahaa ninkii dajiyey kana danbeeyey weerarkii horaantii bishii hore ee September ay dagaalyahanada MNLF ku qaadeen magaalada Zamboanga.
Guriga hogaamiyahan oo ku yaal meel 7 km u jirta goobtii todobaadyadii lasoo dhaafay ku dagaalameen ciidamada Filibiin iyo Jabhada MNLF ayaa la sheegay inuu xidhnaa isla markaana cidna ku jirin.
Nur Misuari ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhuumaleysanayo koonfurta dalka Filibiin.
Weerarkii 9kii September ay jabhada MNLF ku qaaday magaalada Zamboanga ayaa waxaa ku dhintey 200 qof. Waxayna dowlada Filibiin ku qaadatay todobaadyo inay gacanta ku dhigto guud ahaan magaalada Zamboanga.
Nur Misuari ayaa la rumeysan yahay inuu amarka ku siiyey dagaalyahanada MNLF inay qaadaan weerarkii Zamboanga si khal khal loo geliyo wadahadalka nabada ee u bilowday Jabhada Muslimiinta Filibiin iyo dowlada wadankaasi.
Diyaariye;Askar
Gobanimonews.com