Thursday, October 10, 2013

Bisha Cas oo Raashin Mucaawimo ah Gaadhsiisay Deegaamo hoos-yimaada Gobolka Saraar


Caynabo(GNA)-Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ayaa Raashin Mucaawimo ah oo loogu talo-galay in ka badan  700 Qoys gaadhsiiyay Deegaamada Gobolka Saraar, kaasoo loo qaybiyay dadka danyarta ah ee ku dhaqan tuulooyinka gobolka qaarkood.




Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caynaba, ahna Duqa Magaalada Caynaba Faysal Axmed Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo qaybiyay Raashinkaasi iyo tiradda dadka ka faa’idaystay.




“Raashinkaasi waxa bixisay Hay’adda Bisha Cas waxaana loogu talo galay 700 qoys oo Caynabo iyo Oog ah, waxaana la gaadhsiiyay dhawr iyo labaatan Tuulo oo Gobolka ka tirsan oo ay Baahiyo badani ka jireen, markaa raashinkaasi annaga iyo Maamulka Gobolka ayaa goob-joog ka ahayn oo qaybinay wax la musuqmaasuqayna ma jiraan, waana la gaadhsiiyay dadkii loogu talo-galay iyo kuwo kale oo la baahi ah”ayuu yidhi.




Faysal Axmed Jaamac oo Gobanimonews khadka Telefoonka ee Magaaladaasi kula soo xidhiidhay, ayaa sidoo kale ka waramay noocyadda Deeqdani ka koobantahay “Raashinku waxa uu  ka koobnaa Bariis, Digir, Buskut-ka nafaqada ah e Caruurta iyo iyo Saliid”ayuu yidh.




Maayirka Caynaba mar uu ka hadlayay habka ay maamul ahaan bulshada ugu qaybiyaan Mucaawimooyinka kala duwan ee Gobolka loogu talo galay, waxa uu yidhi “wixii Gobolka mucaawimo soo gaadha Maamulka gobolka iyo degmada ayaa qaybiya oo Jaan-gooya, dabadeed waxa dadka loo gaadhsiiyaa sidii wax loogu heli karo, raashinkana deeqahaas ayuunbuu ka mid ahaa waxaanan garanay in deegaamada Baahiyuhu ka jiraan oo dhan intii laga gaadhsiin karo la gaadhsiiyo”.




Hadalka ka soo yeedhay maayirka Caynaba, ayaa daba socday warar ay maanta wargeysyada dalka qaarkood qoreen oo sheegayay in la musuqmaasuqay Raashinkaasi, isla markaana maamulka Gobolku qayb ka yahay lunsiga lagu sameeyay, taasoo Maayirku waxba kama jiraan ku tilmaamay.




“warkaa wargeysku qoray waxba kama jiraan,waanan u sheegay markii ay telefoonka igula soo xidhiidheen, hadana wixii aan u sheegay waxaan ahayn ayay qoreen”ayuu yidhi




Gobanimonews




Caynaba Office




Email: editor@gobanimonews.com