(GNA) Dadka xanaaqa badan ayaa la ogaaday inay halis laba jibaaran kala kulmayaan cudurada maskaxda ku dhaca waliba iyagoo dhalinyaro ah.
Arrintan waxay ka mid tahay natiijo kasoo baxday cilmi-baadhis uu faafiyay wargeys raacsan jimciyad ay leeyihiin dhaqaatirta wadnaha ee dalka Mareykanka (American Heart Association).
Ku dhawaad 6700 oo ruux ayeey cilmi-baadhistu tijaabo ka qaadday. Waxayna dadkan oo da’doodu u dhexeysey 45 illaa 84 sano ay ka jawaabayeen su’aalo la xidhiidha hab-dhaqankooda iyo xaaladahooda nafsiga ah.
Aqoonyahanadan cilmi-baadhistan sameynayay ayaa waxay muddo laba sano ah qiimeynayeen xaaladda dadka tijaabada laga qaaday, gaar ahaanna sida ay ula kulmaan cadaadiska nafsiga ah, quusta iyo cadhada joogtada ah.
Bartilmaameedka gaarka ah ee cilmi-baadhistu waxay ahayd in la eego sida ay dadkaasi uga bad-qabaan xanuunada wadnaha ku dhaca marka ugu horeysa ee howsha tijaabada ahi bilaabanayso. Waxaase mar dambe la arkay in 147 qof oo dadka la tijaabinayay ka mida ay ku dhaceen xanuuno maskaxeed, halka 48 kalena ay dhibaato xaga dhiigga ah ay soo wajahday.
Aqoonyahanada ayaa ogaaday in dadka dabeecadoodu ay cadhada iyo nacaybka u badantahay ay yihiin kuwa ugu badan ee halista xanuunada maskaxda si laba jibaaran ula kulma marka loo barbar-dhigo dadka kale ee dhibaatadaas ay ku hooseyso.
Waxaa kaloo iyadana 86% kordhisay halista xanuunada maskaxda dhibaatada laga dhaxlo niyad jabka iyo quusta qofka soo food-saarta. Iyadda oo ay tahay quusta camali sheydaan .
Hadana dhankoodana dadka cadaadiska nafsiga ah uu hayo ay 59% la kulmaan halista cudurada maskaxda.
Diyaariye:-C/qaadir Askar
Askars4@hotmail.com