Sunday, July 20, 2014

Ilowshaha badan maxaa lagu daweeyaa? (Cilmi-baadhis muhiim ah)


ilowshaha-badan-150x150(GNA)Warbixin lagasoo saaray cilmi-baadhis dhawaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in lagu sheegay inay suurtagal tahay ka fogaashaha xanuunka loo yaqaan Alzheimer’s disease (AD) ee badiya ilowshaha ama xusuus beelka qofka.




 




Xanuunkan ilowshaha dhaliya oo inta badan la xidhiidha  da’da iyo gabowga qofka ayaa waxaa warbixintan cusub lagu sheegay in looga hortagi karo dib u habeyn iyo isbedel lagu sameeyo habka nolosha ee qofka.




 




Iyadoo la filayo in dadka dunida ay tiradoodu kororto cumrigooduna ka bato inta uu hadda gaadho ayaa waxay taasi ka dhigantahay in dad ka badan 106 milyan oo ruux ay la noolaan doonaan cudurkan Alzheimer marka la gaadho 2050-ka, taas oo aad ugaga badan tirada dadka cudurkaa qaba oo sanadkii 2010 gaadhayay 30 milyan oo ruux.




 




Cilmi-baadhistan cusub oo ay kormeereysay Carol Brain oo ah macalimad caafimaadka guud ka dhigta jaamacadda Cambridge ayaa waxaa diiradda lagu saaray todoba arrimood oo lala xidhiidhiyay cudurkan, waxayna arrimahaas kala yihiin xanuunka sokorta, sare u kaca cadaadiska dhiigga, cayilka, hos u dhaca heerka dhaqaaqa jireed, niyad-jabka, cabista Sigaarka iyo waliba hoos u dhaca guusha waxbarashada.




 




Hadii mid ka mida arrimahan hoos loo dhigo 10%, waxay cilmi-baadhistu tilmaamtay inay taasi suurtagalinayso in xanuunkan xusuus beelka sababa uu hoos u dhaco 8.5% marka la gaadho 2050-ka.




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com