W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI

QORMADII 22-AAD
22. MAXAYNU UGU DADAALAYNNAA TOBANKA DANBE?
Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni labaatanaad oo aynu kaga hadli doono sirta ku duugan tobanka danbe.
Waa maxay sirta ka danbaysa ee aynu ugu da'daalayno tobanka danbe?, maxaynu ugu kala dheeraynaa khayr markay yimaadaan tobanka danbe?, maxaynu masaajidada u camirnaa?, maxaynu yar, iyo wayn,dumar iyo waayeel utukanaa salaada tahajudka dadkoo hurda?, maxaynu hawlkasta oo aynu hayno uga doorbidnaa camalka alle?, arimahaas oo dhan iyo qaar kale oo badani waa arimaha aynu rabno in sirtooda iyo sababta aynu u qabanayno inaan ogaano insha allah.
Horta sababta arimahaa loo samaynayaa waa saddex arin oo waawayn, inagoo mid kasta faah'faahin doona haduu Eebu qadaro.
B. WAXAYNU HAGAAJIN CAMALKEEN DHAMAADKIISA.
Shaykastaa dhamaad ayuu leeyahay waana dhamaadaa, ramadaan shalay way soo gashay, maantana way galbatay, qaofkasta wuxuu jeclyahay in camalkasta oo uu la imanayo uu hagaajiyo cidhibtiisa danbe, marka la ducaysanayana waxa lagu ducaystaa ''Rabaw hagaaji cidhibtayada danbe'' hadii labaatankii hore da'daalku kugu yaraa, fursad ayaad haysataa aad ku da'daasho, haddii akhriska quraanka, soo camiraada masjidku aanad ku fiicnayn, tobankani waa fursad aad haysto, haddii intii hore wax kaa qaloocdeen, tobankani waa fursad aad wax ku hagaajiso, waa maalmo tobana oo ay inagu macasalaamaynayso bil khar badani, wax markaa inagu waajiba inaynu da'daal dheeraada la nimaad intaynu ku jirno tobanka danbe, aynu hagaajino oo aynu qurux u yeelno camalka dhamaadka inaga sii ah.
T. WAXA KU JIRA HABEEN KA FADLI BADAN 1000- BILOOD.
Sababta labaad ee aynu ugu dadaalyno waxa weeyi ku jiritaan ay ku jirto habeen ka fadli badan 1000-bilood, waana sababta ugu wayn ee looga faa'idaysanayo tobankan danbe, Waxaa uu Eebe Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay khayr badan tahay 1000-Bilood oo cibaado oo aad la timaado, Waana habeenkii rasuulkeena (NNKHH) lagu soo dajiyey quraanka kariimka, waana sababta ugu wayn ee aynu ugu da'daalayo tobanka macasalaamaha inagaga tagaya, inagoo habeenka dalbanayna, danbi dhaaf iyo in qofkasta wuxuu jecelyahay midigta Eebe ka siiyo, inagoo maanka ku hayna in dacwada la ajiibo habeenkaa, waxaynu Rabi ka baryaynaa inuu ina waa fajiyo habeenkaa, waayo waxa nasiib badan habeenkaa qofkii Eebe waafajiyo.
J. WAXAYNU KAGA DAYANAYNAA RASUULKEENII SUUBANAA (NNKHH)
Waa sababta saddexaade waxaynu kaga dayanaynaa Nabi muxamed (NNKHH), waxaanu ahaa '' Rasuulku (NNKHH) mid ku da'daala tobankan danbe si aanu arin kale ugu da'daalin'' waayo ahmiyad wayn ayey leedahay, waana tobanka habeen ee ugu fadliga badan habeenada, waxaynu kaga daynaynaa Rasuulkeena (NNKHH), waayo isgaa ah qof ugu mudan ee lagu daydo, waxaad arki guri lagawadda kacayo dhamaan inta ku nooliba, sabatuna tahay iyadoo lagu dhaqmayo xadiiskii caa'isha warinaysa Rabi raali haka noqdee marka ka waramaysay xaalka Nabiga (NNKHH) markay usoo galaan tobanka danbe waxayna lahayd '' wuxuu ahaa mid habeenka nooleeya, guntigana giijisata, reerkiisa baraarujiya'' markaa hooyo iyo aabo waa sababta ay u kicinayaa caruurta iyo xaafadaba, waayo waxay kaga dayanayaan Rasuulkeena muxamed (NNKHH), waana arin fiican oo ku dayasho mudan.
waynu kacnaa habeenka galinkiisa danbe waliba dadkoo oo hurda, sababaha farabadan ee aynu u samaynayno waynu garanay ayaan filayaa, maaha intan oo kaliya laakiin waa intii ugu muhiimsanayd ayaan is odhan karaa, Eebe ha inaga aqbalo camal kasta oo aynu la imanayno.
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni labo iyo labaatanaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo, tobankan danbe ee aynu galnayna inaynu camalka libin laabno, guntigana dhiisha iska dhigno, kuwii WAYNUHU naarta ka xoreeyana ha inaga yeelo, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.
LA SOCO..........