Wednesday, July 16, 2014

Maxkamadda Hargeysa oo Xayirtay Dhul laysku haysto


Qaraar ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu xayiray Dhul ku yaalla degmada Maxamed-haaruun ee Magaalada Hargeysa oo ay isku haystaan laba dhinac.




Nuqul ka mid ah Qaraarka Xayiraada lagu saaray Dhulkaasi oo Gobanimonews heshay, ayaa lagu yidhi sidan hoos ku qoran:




Ku Guddoomiyaha Degmadda M/Haaruun




Ku Talyaha Qaybta Bariga ee Ciidanka Booliska




Og:Xoghayaha Fulinta D/Hoose ee Hargeysa




Duqa Caasimadda JSL




Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL




Og.Dacwaoodayaal.Ilma Sh. Yuusuf




Og.Dacweysanayaal.Ilma Geele Bootaan/Ilma Geele Arab/Ilma Carwo




 




Ujeedo  Qaraar  Xayiraad dhul  oo sumadiisu tahay GGDH/MJ/52-4/X-25/14,Guddigu markay aragtay galdacwadeedka sumadiisu yahay GGDH/MJ/52-4/X-25/14,ee ka dhexeeya dhinacyada kala ah, Og.Dacwaoodayaal.Ilma Sh. Yuusuf  iyo Dacweysanayaal.Ilma Geele Bootaan/Ilma Geele Arab/Ilma Carwo,ayaa waxa ay sido kale markay guddidu heshay arjiga codsiga xayiraada ee dacwoodayashu u soo gudbiyeen guddida eek u taariikhaysan 13/07/2014 kaas oo ay dacwoodayaashu ku sababaeeyeen in dhulkaasi la banaynaayo taaso luminaysa Caalamadihii iyo aasaartii qadiimiga ahayd ee dhulku lahaa,halka aanay banayntaana xaq u lahayn.




Sidaasi darteed  Guddidu iyada oo cuskaneysa qodobadan xeerka Nidaamka Dhulka ee Qod,18aad Xubintiisa 4aadc isla markaana habraacaysa Qod.293/294aad iyo 295aad Farqadiisa 1aad ee XHM iyo Qod.18aad ee Xeer No.17/2001waxay Xayiraysaa dhulk beereedkaasi oo ku yaala Degmada M/Haruun.




Waxana Soohdimaheedu kala yihiin .




.Waqooyi/Waddo




.Bari/Banaan iyo Xabaalo




.Galbeed/Ilma maxamed Sees




.Koonfur/Doox




Waxana uu dhulkaasi ku yaala Degmadda M/Haaruun,dhulkeereedkaas leh sifaha sare ku xusan oo aan waxba laga qaban Karin,la Dhisi Karin La iibin Karin,la rahmi Karin,sifo kalena loo isticimaali Karin,wax shaqo ahna laga qaban karin hada ilaa iyo inta amar dambe uu ka soo baxaayo XAFIISKA Guddiga ka Garniqidda Dacwadaha dhulka ee Gobolka Maroodi Jeex.




Xubnaha Guddida ee Qaraarka Xayiraada Gaadhay.




1.Maxamed Cabdi Jaamac (Guddoomiye)




2.Maxamed Xasan  (Xubin)




3.Xildh. Ilyaas Xuseen Jaamac (Xubin)




Kaaliyaha Dacwaddaha dhulka ee Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex




Xasan Mawliid Muxumed  




Khilaafka dhinaca Dhulka ayaa ah arrin soo noqnoqota.




 




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland