Maamulka Israel iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan codsiga xabad joojinta ee Qaza, oo ay soo bandhigtay dowladda Masar.
Qorshahan waxaa ka mid ah in lasoo afjaro isbuuc qalalaaso ah iyo dagaalka, iyadoo xabad joojinta la doonayo inay dhaqan gasho saaka oo Talaada ah.
Golaha wasiirada ee maamulka Israel ayaa saaka ka munaaqashoonaya codsiga ay soo gudbisay Masar.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa ka sheegay codsiga xabad joojinta, kullan degdeg ah oo ay yeelanayeen ururka jaamacadda Carabta kaas oo ka dhacaya magaalada Qaahira.
Masar ayaa isku deyeysa inay dib boorka uga jafto doorkeedii hore ee ahaa dhexdhexaadinta Israel iyo Xamaas oo ay horey ugu eedeysay inay la jirto dhinac.
Waxaa lagu tilmaamaayaa inay qorshe muhiim ah tahay xabad joojinta oo daba socotay kaddib wada hadallo qaatay 48 saac oo ka dhacay magaalada Qaahira.
Labada dhinac (Israel iyo Xamaas) ayaa la filaayaa inay la kulmaan xubno ka socdo dalka Masar, si looga hadlo heshiis xilli dheer ah oo la isugu soo dhaweynaayo kala fogaanta hadda u dhexeysa.
Israel iyo Xamaas midna weli ma ogolaanin xabad joojinta, balse labadaba waxay sheegayaan inay eegayaan oo ay tixgelinayaan codsiga.
Duqeynta ay Israel ku hayso Marinka Qaza waxaa ku dhintay 170 qof oo Falastiiniyiin ah oo u badan rayid.