(Ma Xukunkii Ku Dhacay Ayaan Ahayn Mid Sharci Ah Mise Waxay Ahayd Uun Ilaa Wan Wayn La Gawraco Indhihiisu Cirka Ma Arkaan.)
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulsho waynta Somaliland gaar ahaan saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.
Intaas ka dib waxaan wax ka odhanayaa Xukunada ay ridaan maxkamadaha oo kaliya ku fula danyarta iyo dadka taagta daran, hadaba hadaan u gunda dego mawduucayga, waxa nasiib darro ah in suxufiyiintii la lahaa danbi ayay galeen oo waliba maxkamadu ku heshay in hadana la sii daayo oo la yidhaahdo waa la cafiyay, hadaanu xukunka ku dhacay khalad ahayn maxaa loo cafiyi waayay dad nooc walba leh ee ku xidhan dhamaan jeelasha Somaliland.
Waxa nasiib darro ah in xukunkii wakhtiga badani ku baxay loo mari waayay habkii loo xukumay, oo aad arkaysaan in shalayba 13-July-2014 la yidhi waa la cafiyay suxufiyiintii u xidhnaa inay sheegeen musuq maasuqa ka jira hay’adaha dawlada.
Markaa halkaa waxa laga qaadanaya in xukunkaas markii horeba uu ahaa mid dadada laga riixayo oo aan ahayn xukun si rasmi ah u dhacay oo ahaa maxkamadu hanoo xukunto hadhowna aan cafino, maxaa loo cafiyi waayay dadka kale ee xaq darrada u xidhan eek u jira jeelasha Somaliland, tani waxay keenaysa in dhamaanba laga aamin baxo xukunada ku dhaca dadka magaca leh.
Maaha markii ugu horeysay ee la cafiyo suxufi khalad lagu xidhay, markaa tani waxay cadaynaysaa cabudhinta madaxbanaanida saxaafada taas oo keentay in masuul kastaa yidhaahdo aniga ayaa wax layga sheegay ee hala xukumo hadhowna waanu cafiyi markaanu tusno awoodooda oo aanu jeelka dhigno.
Way cadayd maalintii xukunku ku dhacay Yuusf Cabdi Gaboobe inaanu si xidhnaan doonin mudo ka badan bil, waad arkaysaan iminkana labaatan maalmood ayuu xidhnaa ama wax ka yar, markaa maxaa loo xukumayaa hadaan sidiisa loo fulinayn, halkaa waxa kaaga cadaanaysa in xukunkii ku dhacay Yuusuf uu ahaa sharci darro, waayo haduu sharci ahaan lahaa maanta markiiba cafis lagulama carareen.
Dalku wuxuu u baahan yahay cadaalad taam ah oo ay u sinaadaan faqiirka iyo taajirguba, aqoonyahanka iyo jaahilkuba, maaha in sharcigu qabto oo kaliya cid gaara ama hadba cida taagta daran oo waliba sidii la doono loola dhaqmo, ilaahay dalka iyo dadkaba noo barakee, oo naga ilaali cadawga kiisa gudaha iyo ka debadaba, ilaahayaw dadka cadaalad ayuun baa gadhi karta e cadaalada noo toosi oo madaxdayada noogu hagaaji wada cadaalada, ilahaw naga dhex saar nin jeclaysiga iyo xaqa dadka oo sifo sharci darro ah loo cuno.
Waad Mahadsan Tihiin
Allaa Mahad Leh
By: Mohamed Hamud Ali
Hamudson@Gmail.Com Burco Somaliland