Tuesday, July 15, 2014

Arday ka Qalin jabisay Dugsiga Xanaanada Xoolaha ee Sheikh


10427304_604452366334667_4328318382388039103_nSheekh-(GNA) Munaasibad Balaadhan oo ay ku qallinjabinayeen dufcadii 8aad ee ka aflaxda dugsiga barashada Culluunta Xanaanada Xoolaha ee IGAD ee
magaalada sheikh ayaa munaasibad balaadhan manta loo qabtey.
xafladani oo ay kasooq ayb-galeen wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Cali,Wasiirka Qorsheynta qraanka Sacad Cali
Shire,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fami Cabdi Bidaar,Maayiradda Magaalooyinka Berbera iyo Sheekh C/shakuur Ciddin iyo Ibraahim
Cabsiiyee,Masuuliyiin kasoctey Igad,Maamulka,Macaliimnat,Ardeyda Iyo Waliidiinra ardeyda QallinJabisey.
Munaasibadaasi oo aheyd mid siweyn loosoo agaasimey ayaa waxaa shaadooyin lagu gudoonsiiyey Ardeydii ka qallinjabisey.wasiirka xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Awdaahir oo munaasiabdaasi kahadley ayaa
sheegey inuu hambalyeynaayo ardeyda qallinjabisey iyo maamulka iyo macalliinta kusoo tabcey waxaanu xusey in uu ardeydaasi shaqaalaysiin
doono isagoo xusey in mudadii uu xilka uu hayey uu ku ballanq aadey in ardey walba iyo ardeyada walba oo ka qallinjabisa dusigasi uu shaqaalisey doono Waayo waxaa sugaaya odeyga iyo isliintii xoolaha dhaqanaayey waxaanan rajaynayaa in xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalah
Somaliland waxbadan ka taridoonaan caafmaadintooda.
Wasiirka Qorsheyta Qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo isna munaasibadaasi kahadley ayaa Hambalyeey ardeyda qallinjabisey isagoo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan waxaanu sidoo kale umahadnaqey dhamaan hadayaha kalla duwan ee caasiya dugsiga xanaanada xoolaha Ee Igad.
Madaxa Hayada Ternova Lucy Wood ,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar,Maayirka Berbera C/shakuur Ciddin iyo Maamulaha Dugsigaai oo dhamaantood Munaasibadaasi Kahadley ayaa Hambalyeey Ardeyda Qallinjabisey iyagoo kula dardaarmey iney ka aqoontii soo barteen
Dalkooda Iyo Dadkooda uga faaideeyaan.
Masuuliyiin ka kalla socotey Jaamcadaha Makaleli,Addis Ababa iyo Kampala oo halkaasi kahadley ayaa Ardeydaasu hambalyeye ardeydan qallinjabisey ayaa ka kalla socotey dhamaan wadama uu ka kooban Yahey
Geeska afrika iyadoo sanad walbana ay ardeydan badan oo aqoontoodu aad usareysaa ay soo Qallinjabiso.