Xadhiga Haatuf iyo Hubaal, Gaboobe iyo Cabdilaahi Abokor iyo xiisada Gobolka Sool oo looga ashkatooday Down Street ayaa ka mid ah Dhirbaaxooyin uu kala kulmi karo UK ?
Hargeysa(GNA)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa horaanta todobaadka soo socda la filayaa inuu socdaal ku tago dalka Ingiriiska iyo waddamo kale.
Uma Muuqdo safar diblomaasiyaddeed oo gogol xaadh siyaasaddeed loogu sameynayo dalkaasi, wallow uu ku soo beegmay xilli arrimo badan oo dhanka amniga ah iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo dawladdaha Gobolka iyo Somaliland u dhexeeyaa ay socdeen ilaa bishii May.
Ilo-wareedyo laga helay socdaalkiisa oo todobaadkanba la hadal hayay ayaa tilmaamaya in tegitaankiisa UK, u badnaan doono hawlo caafimaad oo gaar ah, balse aanu jirin marti qaad rasmi ah oo uu UK ka helay.
Itoobiya
Inta aanu u ambobixin dalka Ingiriiska waxa lagu wadaa inuu sii maro Waddanka Itoobiya oo uu hawlo shaqo u tegayo, taasoo daba socota kulamo soo socday oo ilaa Bishan Jully ay ku yeesheen dalkaasi masuuliyiin labada dawladdood ka tirsan.
Xoojinta iskaashiga dhanka nabad-gelyada xuduudka wali xidhan ee labada dal iyo arrimo kale oo dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ku salaysan ayaa ka mid ah waxyaabaha la filayo inay Itoobiya ka wada hadlaan.
Booqasho isha lagu hayo
Hase ahaatee booqashadiisa Ingiriiska ayaa ah arrin aad isha loogu hayo, taasoo dadka arrimaha siyaasadda Odorasaa ay ku sheegayaan inay suurto galtahay in wax laga waydiiyo dhacdooyin faro badan oo bilihii ugu dambeeyay Somaliland.
Dhacdooyinkaasi oo ay dawladda Ingiriiska iyo waddamada kale ee xidhiidhka la leh Somaliland ka walaacsanyihiin, ayaa waxa ka mid ah xiisadaha siyaasaddeed ee dalka ka jiray bilihii la soo dhaafay, kuwaasoo dibada soo dhigay arrimo ku lid ah amniga dalka, sida soo shaac baxa xubno ka mid ah golaha Wasiirrada oo farta lagu fiiqay inay xag-jir yihiin, xadhiga lagula kacay siyaasiyiintii Wasiiradaasi eedda u jeediyay, xadhiga iyo Xayiraada Wargeysyada xidhan iyo suxufiyiinta iyo sababta xukuumaddiisu ugu xad-gudubtay mawaadiniinta Somaliland ee ay dawladda Djibouti u dhiibtay.
Arrimaha kale ee meesha ku jira ee la hadal hayo in Axmed Siilaanyo ku waajihi doono dalka Ingiriiska waxa ka mid ah inuu tafaasiil cad ka bixiyo danaha ay dawladiisu ka leedahay deegaamada Gobollada Bariga Somaliland, siiba degmada Taleex oo ay ka qabsatay Khaatumo, isla markaana waddamo uu ingiriisku ka mid yahay iyo QM ku cel-celisay inay Ciidamada Somaliland dib uga soo baxaan.
Arrinta kale ee hortaala safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa ka mid ah Ashkato kooxda Khaatumo laba todobaad ka hor u gudbiyeen xafiiska Reysal-wasaaraha Ingiriiska, taasoo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidanka Somaliland ee Sool, gaar ahaan degmooyinka cusub.
Waa safarkii labaad ee uu Uk ku tago Axmed Siilaanyo sanadkan.
Ingiriiska ayaa ka mid ah ay Somaliland Taakulada tooska ah iyo taageerada siyaasadeed ka hesho, taasoo muddo dheer ay ku tiirsanayd.
si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waa madaxweynihii ugu horeeyay ee hogaamintiisa dalka su'aasha la geliyay, kaasoo ay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay hadheeyeen dhaliilo ku saabsan inaanay talada waddanku gacantiisa ku jirin, taasina waxay ka mid tahay arrimaha shakiga geliyay ra'yal caamka dalalka saaxiibka la ah waddankiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com