Monday, July 21, 2014

Yuusuf Budhle: Waan iska casilay xilkii iyo Xubinnimadii Xisbiga UCID”


Wali Xisbiga UCID lagama hayo wareegto lagu eryay wakiilkii arrimaha dibada ucid




BUDHLE




 



Hargeysa(GNA)-Xoghayihii Arrimaha dibada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Budhle ayaa sheegay inuu xilkiisii ku waayay eeddeymo uu u jeediyay Dalka Djibouti oo ku saabsan Shirqool ku lid ah Somaliland oo uu maleegayo Ismaaciil Cumar Geelle.




Yuusuf Budhle ayaa 17-kii bishan waraysi uu sii yay Warbaahinta Xisbiga UCID, ku sheegay in Madaxweynaha Djibouti ku hawlanyahay qorshe Ciidamo nabad-ilaalineed lagu keenayo xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo dalkiisa.




Arrintaasi ayaa waxa isla xalayba raalin gelin ka bixiyay Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigaasi Cali Maxamed Xasan (Cali-guray) oo sheegay in masuulkaas xilkii laga qaaday.




Inkasta oo Yuusuf Budhle xalay ku gacan saydhay hadalka Cali-guray, hadana waxa caawa uu caddeeyay Yuusuf Budhle inuu xilkaa ka tanaasulay,isla markaana ay xil ka qaadistiisu ku timi cadaadis madaxda xisbiga kaga yimi dawladda Djibouti iyo Ganacsato reer Somaliland.




“Kadib xidhiidh na dhex maray madaxda ugu saraysa xisbiga waxa la ii sheegay in si kastaba wax u dhaceena ay arrintu ku timid culays weyn oo kaga yimid ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee degaankoodu yahay Djibouiti iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Djibouti ee kasoo jeeda S/land. Waxa kale oo ay ii sheegeen in qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID ay dawladda Djibouti siisay baasbooro Djiboutian ah, isla markaana ay dhaqaale xoog ah ka helaan xisbi ahaan dalka Djibouti, sidaas daraadeed ay ku qasban yihiin in ay oofiyaan codsiga kaga yimid ee ahaa in la iga qaado xilka.”ayuu ku yidhi Yuusuf Budhle  qoraal uu ku baahiyay Facebook.




Xoghaye hore Budhle ayaa qoraalkiisa sii raaciyay “Hadaba aniga oo ilaalinaya sumcadda S/land, tayda shaqsi ahaaneed iyo tan dadka reer Somaliland-ba waxa aan maanta si sharaf leh u ogolaaday xil ka qaadidaas uu xisbiga UCID igaga qaaday mansabkii Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, iyaga oo raali gelinaya dal shisheeye oo run ahaantii cadaystay kasoo horjeedka qadiyadda gooni isu taaga S/land.




Aniga oo ilaalinaya sharafta wadaninimada Somaliland iyo karaamada dadkaygaba waxa kale oo aan go’aansaday in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20kii July 2014 aan ka tanaasulay dhamaanba xubinimaddii gudida fulinta, golaha dhexe iyo weliba xubinimaddii caadiga ahayd ee Xisbiga UCID”.




Si kastaba ha ahaatee Xisbiga UCID ilaa hada wax war ah kama soo saarin xil ka qaadista Sarkaalkan siyaasadda Dibada u qaabilsanaa oo xubin muhiim ah noqonaya marka loo eego Miisaanka xilka uu hayay, waxaanay arrintani ku soo aaday xilli uu maanta dalka ku soo laabtay Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com