Monday, July 7, 2014

Xasan Ciise: Xadhiga Haatuf iyo Hubaal waa dulmi"


“Xukumadu waa in ay xal u heshaa arinta Haatuf iyo Hubaal”Warsaxaafaddeed




xasan-ciise-jaamacHargeysa(GNA)-Madadweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa mar kale dhaleeceeyay xadhiga labada Wargeys ee ay xukuumaddu Albaabada u laabtay, sanadkan.




Xasan Ciise Jaamac Jaamac, ayaa sheegay in xaq daradii ku dhacday ururkiisii Xaqsoor iyo xadhiga labada wargeys ka mid yihiin Dulmiyada waddanka ka dhacay ee ay xukuumadda talada haysaa geysatay.




Labada Wargeys ee xidhan, ayaa mid ka mid ah sanadka horaantiisii albaabada loo laabay ka kalena laba bilood ka hor, iyadoo xukun walaac badan dhaliyay lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf oo xabsiga loo taxaabay.




Xasan Ciise Jaamac oo caawa Warsaxaafaddeed soo saaray ayaa arrintaas ku tilmaamay gabood fallo ka dhan ah xoriyatal-qowlka.




Waxa uu ku taliyay inay ahayd in dariiqyo kale loo maro kiisaska labadan hay’addood, isla markaana hadii ay gafeen xeerka saxaafadda lagu qaado dacwaddooda, hadii wararka lagu haystaa dhab yihiin oo aanay dambi gelina la abaal mariyo.




Warsaxaafaddeedka




Nin wasiir ah ayaa laga soo sheegay in dulmiga ay xukumadani ka gashay Haatuf iyo Hubaal uu dulmiga ay xukumadani ku hayso saxaafada guud ahaan ka dib dulmigii aan xadka lahayn ee cadaanka ahaa ee doorashooyinkii ugu dambeeyay, xukumadani iyada ayaa isu qoday oo isku riday bohol daran oo liidata. In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.




Dhawr arimood ayaa jira oo aduunku maanta fiira gaara u leeyahay. Waxa ka mida arimaha saxaafada,arimaha haweenka,arimaha dadka laga tirade badan yahay iyo arimo dhaqan. Kuwa dambe aduunka waa lagala doodi karaa qaababkooda iyo qorshahooda. Laakiin arimaha saxaafada aduunka waxa uga yaal nidaam mudo dheer la soo tijaabiyay oo cid kasta faa’iidoo u ah.




Sababta oo ah xoriyada saxaafadu waxa ay ka kaw tahay xoriyatul qawlka oo iyaduna kaw ka ah xoriyada iyo xurmada aasaasiga ah ee bilaw aadmiga oo dhan. Laba arimood oo aasaasi ah ayaa seegay xukumaduna, markii ay xidhay wargeesyadii Haatuf iyo Hubaal.




Kaw, waxa seegtay inay xukumadu baadhitaan madaxbanaan oo shicibku ku kalsoonaan karo ku sameyso eedeymihii ay wargeesyadu u soo jeediyeen. Baadhitaankaasi  hadii uu u markhaati furo wargeesyada, wargeesyadu abaalgud ayay leeyihiin. Hadii se baadhitaankaas madaxabanaani uu cadeeyo inaanay wargeesyadu qorin eedeymo sax ah, ama aanay ku qaldamin arinta ayaga oo ka daacad ah . waxay ahayd in markaas arintooda loo maro xeerka, saxaafada ooy ku muteysan karaan ganaax mudaysan.




Imika iyo haatan, xukumada waxa waajib ku ah inaanay qaladkeeda ku adkaysan ee ay sida ugu dhakhsaha  badan u soo deyso madaxa Haatuf ee dulmiga ku xidhan iyo inay xayiraada ka qaado labada wargees ee Haatuf iyo Hubaal” ayuu yidhi Gudoomiyaha  Ururkii Xaqsoor ee Doorashooyinka lagu reebay 2012-kii.




Maaha masuulkii ugu horeeyay ee Kiiskan ka hadla oo miisaanka leh, balse waxa jiray xubno kale oo siyaasadda door weyn ku leh oo dhaleeceeyay, talooyina ka soo jeediyay arrintan oo ay xukuumaddu dhegaha ka furaystay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editir@gobanimonews.com