Wednesday, July 9, 2014

Xafladii Xidhiidhka Ahaa ee Xisbiga Waddani Iyo Xarbad Dhabashadii Xukumadda‏


Waxay Ahayd 18KII Bishii Jun Markii Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Uu Xaflad Baladhan Ugu Qabatay Teegeerayaal Gaadhaya Ku Dhawaad 1000kun Qof oo Dhamaantood Kasoo Diga Rogtay Xisbi Xaakinka Buuqa Badaini Ka Dhex Taaganyahay ee Kulmiye


Hadaba Xafaladaas oo Ay Kasoo Qayb Galeen Dad Miisaan Kule Gobolka Togdheer oo Isugu 



Jira Sulaadiin Cuqaal Iyo Aqoonyahano Dhalinyaro Ah oo Dhamaantood Ahaa Xuluufadda Ku Biirtay Xisbiga Waddani



Ayaa Waxay Werwer Ku Abuureen Xukumada Talada Hayasa 



Taasna Waxaa Sabab U Ahaa Taageerayaashan Ayaa Dhamaantood Waxay Kasoo Jeedaan Beesha Bariga Burco oo Loo Yaqaano SHACABKA GUUSHA 



Hadaba Xafladaas oo Ahayd Mid Uu Xisbiga Mucaaridka Ah ee Wadani Dhankiisa Si Miisaan Leh Ugu Soo Agaasimay



Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Masuuliyiinta Ugu Saraysa Ee Xisbiga Waddani



Oo Uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro Ahna Godoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Hadaba Iyadoo Ay Xanaftii Iyo Xanuunkii Xafladaasi Sii Hayo Xisbiga Kulmiye Iyo Xukumadiisa Sidda Wayn Imika Isaga Soo Horjeeda Ayaa Wax a Hadan Uraacday Xafladdi Kala Guurka Ahayd Ee Ka Dhacday Hoteel Maansoor ee Magaalada Berbera Taas Oo Loo Qabtay Ardayda Jaamacadaha ee Culuunta Badda Iyo Jaamacadda Golis



Xafladaas oo Ahayd Xafldii Ugu Balaadhnayd ee Abid Ka Dhacda Magaalada Berber ee loo Qabto Teegeerayaal Xisbi Mucaaradda Ku Biira Hadaba



Waxa Iyana Werwer Way Kubeertay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee Ay Ugu Horeeyaan Maareeyayaasha Haamaha Iyo Dekedda Ee Uu Saleebaan Ibaraahin Ugu  Yeedho Macaan Jeceshha Gobolka Saaxil



Waxaan La Arkaayay Habeenkii Xafladdu Ka Dhacaysay Maansoor Berbera



Iyagoo YaacYacaaya Qaar Kamida Nimankaas Aynu Nidhi Waxa Loo Yaqaanaa Magacaas Aynu Kor Kusoo Sheegnay



Hadaba Maqaalkan Oo Taxane Ahaan Doona Insha Allah 



Waxaan Galabata Kusoo Koobayaa Weedhii hii Laga Yidhi Xafladii Burco ee Cigaal Hotel Mid Kamida



Waxaanan Soo Xushay Weedhan Ay Tidhi Maama Cadar OO Ahayd Hooyo Aad U Da.aweyn oo Madasha Ka Hadashay Waxaanay Tidhi Aadigaa Caqlilee Cirraw Na Daadahee Iyadoo Buraanburaysay



by Sacad Cali Kaahin plucky