Sunday, July 13, 2014

Somaliland oo Lacag adag ku soo furanaysa Qalab xaasaasi ah oo kaga Xayiran Itoobiya


Dadka reer Somaliland oo isweydiinaya sababta Somaliland Dekeddeeda ugu ogolaatay Itoobiya oo cashuur adag ku xidhay qalab Transit dalkeeda ku soo maray




QALABKAAddis ababa(GNA) saddex Mishiin oo loogu talogalay samaynta baasaabooradda cusub ee Somaliland ayaa ku xayiran madaarka Addis ababa, kadib markii ay shirkadda qandaraaska lagu siiyey oo doonaysay inay Transit ku soo mariso Itoobiya qaladay waraaqihii ay diyaaradu ku soo qaaday.




Mishiinadan oo ah kuwo loogu talo galay in lagu daabaco baasaaboorada cusub ee Somaliland ayay waaxda Kastamka Madaarka Addis ababa ku amreen in la cashuurto maadaama Mishiinadan aan loo soo samaynin nidaamkii Transit-ka ahaa, waxaanay ku qiimeeyeen lacag dhan afartan kun oo Doolar.




Xukuumadda Somaliland oo qalabkan loo soo waday ayaa lagu waramayaa inay Dawladda Itoobiya ka dalbatay in Mishiinadaas billaa cashuur loogu soo gudbiyo maadaama ay Transit ahaayeen, hase yeeshee codsigaasi waxa la sheegayaa inaanay Dawladda Itoobiya aqbalin, illaa hadana ay ku adkaysanayso inay Somaliland Cashuurta iska bixiso.




Ilo wareedyo u dhuun daloola arrintan ayaa Wargeyska Waaheen ka soo xigtay inay Xukuumadda Somaliland waddo dedaal ay ku doonayso inay ku soo furdaamiso Mishiinadan, waxaana la xaqiijiyay inay ogolaato inay bixiso lacag gaadhaysa shan iyo Toban kun oo Doolar, wallow aanay wali talaabo qaadin.




Faankii Waran cadde




Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa dhawaan ku faanay inay keeneen baasaabooro cusub oo casri ah, kuwaas oo uu sheegay inay dadka Reer Somaliland Xajka ku tagi doonaan, hase yeeshee waxa muuqata Xaj lagu tago iska daaye inaanay dhamaystirnaynba qalabkii lagu samayn lahaa baasaaboorkaasi.




Shirkadda Qandaraaska ku qaadatay samaynta baasaaboorka cusub ee Somaliland ayaa bishii hore wasaaradda maaliyadda ku wareejisay Jaldiga cusub ee baasaaboorada lagu samayn doono, kuwaas oo ay ku wareejisay wasaaradda Maaliyadda.




Sidoo kale, waxay keeneen khubaro ajaanib ah oo ka socday shirkaddii ay qalabkan ka soo iibiyaan, kuwaas oo ay ugu talogaleen inay ku tababaraan shaqaalaha loogu talogalay bixinta baasaaboorkan, hase yeeshee waxay wali sugayaan qalabkan kala dhantaalan ee badhkood Addis ababa ku xayiran yahay.




Dhibaatada ka dhalatay Qalabkan ayaa Somaliland khasaare dhaqaale ku keenaysa maadaama Cashuur aan lagu talogalin ay lugaha la gashay shirkadda la siiyey, isla markaana ay qabto kharashka ku baxaya khubarada mudada dhee Hargeysa ku sugaysa qalabkaasi.




Sidoo kale, dhibaatada kale ee Taagan ee Somaliland haysataa waxa weeyi keenista qalabyada casriga ah oo aanay Duulimaadyada dunidu ogolayn inay diyaaradahoodu geeyaan dalalka qaarkood, gaar ahaan Somaliland, waxaanay taasi kaliftaa inay mararka qaarkood Transit ahaan ku soo marsadaan dalka Itoobiya maadaama Dalkaasi xidhiidh la leeyahay Dunida intiisa kale.




Heshiis qabyo ah




Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa muddo dhawr sano ah ka arrinsanayey sidii ay u yeelan lahaayeen Heshiis Ganacsi kaasoo ay ku jiraan arrimaha Kastamyadu, waxaana dhawaan ka qabsoomay magaaladda Diridhaba Kulan balaadhan oo lagaga dooday sidii ay Itoobiya Dekedda Berbera Transit ku soo marsan lahayd 30% alaabaha u soo daga, hase yeeshee Somaliland wali kamay fikirin ama qorshahaba kumay darsan Transit-ka Duulimaadyada ee Dalka Itoobiya u soo mara sidii ay heshiiska ugu darsan lahayd.




Dekedda Berbera




Dawladda Itoobiya ayaa baddeecado kala duwan kala soo degta degekada Magaalada Berbera ee Somaliland, taasoo aanay Somaliland wax cashuur ah oo muuqda ka qaadin, balse ay ku sheegto inay Transite ku yihiin Somaliland.




Waxaana jiray murano dhawr jeer soo noqnoqday oo ay labada dhinac isku qabsadeen cashuurta baddeecadaha Itoobiya oo hada u badan gaadiid, halka sanaddo ka hor Gawaadhi xamuul ah oo ay Itoobiya leedahay dekedda ka soo qaadi jireen boqolaal ton oo baddeecado ah.




Dadka arrintan la socda ayaa walaac ka muujiyay sababta ay Somaliland dekeddeeda ugu ogolaatay dawladda Itoobiya maadaama aanay ogolayn inay dalkeeda wax u soo maraan Somaliland.




“arrintaasi waa khalad hadii ay jirto wax dawladda Itoobiya laga filayayna maaha”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka reer Somaliland ee arrimaha diblomaasiyadda odorosa.




Qalab xaasaasi ah




Arrinta kale ee aadka u xaasaasiga ah ayaa ah in qalabkani yahay mid sir ah oo aan loo baahnayn inuu dayac noocan ahi la soo derso, sababtoo ay tahay waxa lagu samaynayaa sharciyadda dal ku galka Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com