Sunday, July 6, 2014

SOMALIA: Qarax ka dhashay Gaadhi miino lagu xidhay oo saaka ka dhacay degmada Xamar weyne.


Gaadhi uu lahaa nin ka tirsan shaqaalaha Dekeda oo waxyaabaha qarxa loogu




xidhay ayaa saaka  ku qarxay degmada Xamar weyne,




iyadoo qaraxa aan wax qasaare ah uusan geysan.




Qaraxan ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu bur buriyay gaadhiga, waxaana




uu ahaa mid iskiis u qarxay, ka hor inta aan gaadhiga la korin.




Wararka ayaa sheegaya in ninka lahaa gaadhiga uu ku jiray gurigiisa oo




aan ka fogeyn halka gaadhiga uu dhigtay, waxaana goobtaas ay tahay goob




barxad ah oo baabuurta la dhigto.




Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay




in qaraxa lagu xidhay gaadhiga, balse aan wax qasaare ah geysan.




“Gaadhi uu lahaa shaqaale ka tirsan Dekeda oo lagu magacaabo Cabdi Cali




ayaa qaraxa loogu xidhay, wuxuu qaraxa ka dhacay nawaaxiga MCH Xamar




weyne, wax qasaare ah ma geysan”ayuu yidhi Gudoomiyaha degmada Xamar weyne.




Qaraxyada lagu xidho gaadhiga ay leeyihiin mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka




kale ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay




qarax todobaadkii hore uu ku dhintay Mas’uul ka tirsanaa Wasaarada




Gaadiidka.




Al-Shabaab ayaa dar dar gelisay weerarada tan iyo markii ay ku




dhawaaqday inay kordhineyso weerarada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.