Wuxuu ahaa wiil aad u da’yar oo Madaxweyne Siilaanyo si dhiiran dareenkiisa ugu sharaxay...
[caption id="attachment_91019" align="alignleft" width="300"]
wuxuu u muujiyay farxad[/caption]Hargeysa(GNA)-Way adagtahay in si waafi ah loo cabiro dareenka Wiil ka hooseeya da’da qaan-gaadhnimada ama aan ka weynayn 12 sano jir oo fursad u helay aragtida ama la kulanka wuxuu aad u jecelyahay oo uu wax badan ku hamiyay intii garaadkiisa la da’ ah.
Dadka qaar ayaa ku tilmaama in carruurtu markay da’daas joogaan aanay aad u xiiseyn waxyaabaha aadka uga fog, sida dadka caanka ah iyo Madaxweyneyaasha oo ay taa bedelkeeda inta badan xiisaha naftooda ku mashquuliyaan inay waalidiintoodu geeyaan goobo muuqaalsan iyo xafiisyada shaqada.
Laakiinse waxa iska cad in ubadka yar yar qaarkood jecelyihiin, una boholyoobaan la kulanka Madaxweynehooda oo aan joogin Xafiiskiisa shaqada “waxaan kuu rejaynayaa madaxweyne wanaagsan, waan jecelaa inaan ku arko”sidaas waxa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku yidhi wiil aad u da’ yar oo inuu isla sawiro aad ugu jeel qabay.
Wiilkan yar ayaa si dhiiranaan badani ka muuqato Madaxweyne Siilaanyo ugu sharaxay dareenkiisa iyo aqoonsigiisa shakhsiyadeed,waxaanu ku hadlayay Luuqada Ingiriisiga oo sida ka muuqatay wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray dalka dibadiisa.
Madaxweyne Siilaanyo oo aad u dhoola-cadaynaya ayaa wiilka waydiiyay ma ku hadashaa Luuqada Soomaliga?, waxaanu ku yidhi “waxaan kuu rejaynayaa Mustaqbal wanaagsan”.[caption id="attachment_91019" align="alignleft" width="300"]
wuxuu u muujiyay farxad[/caption]
Kulanka dhex maray Madaxweynaha 75 Jirsaday iyo Wiilkan da’da yar ayaa ka dhacay afaafka hore ee dhisme Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland leedahay oo uu xadhiga ka jaray Madaxweynuhu Axadii todobaadkan, xili uu ka dhoofayay Madaarka Diyaaradaha safarkiisii ugu horeeyay ee sanadka oo ku soo beegmay Bisha ramadaan, waxaanu qaatay wax ka yar hal daqiiqo oo ay sawir wada galeen.
Inkasta oo aanay wariyeyaashu aqoonsan Magaca Wiilkan yar oo hadlayay iyadoo buuq iyo cidhiidhi badani jiro, hadana inta laga aqoonsaday wiilkaas waxa dhalay Safiirka Somaliland ee Dalka Australia Sharmarke Bali Shire, kaasoo ay isaga iyo Wasiirka Duulista Somaliland garab taagnaayeen.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa intii uu Madaxweynaha ahaa kulamo kala duwan la yeeshay dhalinyaro iyo carruur aad u da'yar, waxaannu labadii sannadood ee ugu dambeeyay qabtay tartan qur'aan oo ay ku tartameen abaal marinona ay ku heleen dhalinyaro aad u da' yar.
sidoo kale sanadkii 2012-kii ayuu Madaxtooyada ku qaabilay Arday yar yar oo dugsiyada ku yaalla Hargeysa wax ka barata, kuwaasoo madaxtooyada xafiisyadeeda qayb qayb loo geeyay, lana kulmay Madaxweynaha.
Sawir dareen leh
si kastaba ha ahaatee Sawirka Axmed Siilaanyo iyo ina Sharmarke ayaa muujinayay jawi ay isku faraxsanyihiin, waxaana aad u soo jiidasho badnayd sida uu madaxweynuhu ugu soo holaday Wiilka iyo hadalka uu ku yidhi.[caption id="attachment_91019" align="alignleft" width="300"]
wuxuu u muujiyay farxad[/caption]
“Ubadku waa waxa ugu quruxsan ee ay Indhaha waayeelku ugu jecelyihiin”taasi waa aragti ay dadka adduunku wada aaminsanyihiin.
Adiguse maxaad ku qiimeyn lahayd Sawirkan markaad aragto dareenka Madaxweynaha iyo Wiilka yar?
Fadlan ka dhiibo aragtidaada..
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com