Accra(GNA)-Shir looga hadlayo sidii looga hortegi lahaa cudurka Ebola ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay Magaalada Accra ee Caasimada Ghana,waxaana ka qayb galay Wasiirrada caafimaadka ee 11 Dal oo Galbeedka Afrika ku yaalla.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa soo qaban qaabisay Shirkan, waxaana la doonayaa in lagu dejiyo siyaasad cad oo lagu xakamaynayo Cudurkan oo ku faafaya waddamada Galbeedka Afrika.
Afhayeen u hadlay Dawladda Ghana oo shirka ka hor hadlay ayaa sheegay inay Hay’adaha ammaanka dalkaasi fuliyaan awaamiir lagu farayo inay talaabo cad ka qaadaan cid kasta oo ka hor timaada Ololaha lagaga hortegayo Xanuunkan.
Madaxda ka soo qayb-galay shirkan ayaa soo saari doona bayaan lagu xoojinayo ka hortaga xanuunkan oo in ka badan afar boqol oo qof ku dilay Galbeedka Afrika, kuna socda xawli aad u sareeya oo uu dalal badan isaga gudbi karo.
Hay’addaha Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay xanuunkan halis ugu jiraan Malaayiin ku nool Galbeedka afrika.
Waxa ay sheegeen saraakiisha Hay’adani inuu xuduudaha isaga gudbayo xanuunka EBOLA.