Thursday, July 10, 2014

Saylici iyo Soltelco oo xadhiga ka jaray 3 laami oo cusub "Hargeysa"Daawo


Hoos ka Daawo Saddex Laami oo laga sameeyay Degmooyinka Kood-buur iyo Axmed iyo Axmed Dhagax ee Hargeysa




BaligubadleHargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cavdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno xildhibaano iyo saraakiil kale oo dawlada ka socda ayaa kormeer ku soo sameeyay Jidka isku-xidha Hargeysa iyo Bali-gubadle, waxaanay dhanka kale xadhiga ka jareen waddo laami ah oo la sameeyay Xaafadda Axmed-dhagax oo ay laamiga Bali-gubadle ka bilaabmi doonto iyo Laba laami oo kale oo degmada Kood-buur laga hir-geliyay.




Kormeerkan Bali-gubadle, kamay qayb ahayn Wasiirka Madaxtooyada iyo saraakiisha Xukuumadda u qaabilsan hawlaha waddooyinka oo wakhti aan fogayn iyaguna mashaariicdan soo indho indheeyay.




Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Xildhibaan Mobaarig Cabdimalow  ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay kormeerkan iyo xadhig ka jarida waddooyinka




Labawada Waddo ee degmada Kood-buur.








Halkan ka Daawo warbixinta oo dhamaystiran Kormeerka laamiga Baligubadle