Wednesday, July 16, 2014

Qoraa Cabdiqaadir Oromo oo Geeriyooday


London(GNA)-Waxa Magaalada London ku geeriyooday saacadihii la soo dhaafay  Alle ha u naxariistee Qoraagii Soomaaliyeed ee Cabdiqaadir Cismaan oo lagu naanaysi jiray (cabdiqaadir Oromo).




cabdiriasLondon(GNA)-Cabdiqadir Oromo wuxuu ka mid ahaa qoreyaasha Soomaaliyeed ee buugagta ay qoreen loogu jecelyahay, waxaana xaqiijiyay geeridiisa dad ay isku dhowyihiin oo xaaladiisa la socday muddooyinkii u dambeeyay.




Faahfaahin rasmi ah lagama hayo ka sekow amarka eebbe sababta uu u geeriyooday, balse waxa naloo xajiiyay geeridiisa goor aan sidaas u fogayn.




Qaar ka mid ah Buugaagta iyo sheekooyinka xiisaha badan ee uu qoray waxa ka mid ah Buuga sababihii Bur-burka Soomaaliya, Tangiga tagreega, tiirka Colaada iyo sheekooyin taxane ah oo aad u xiiso badan.




waa qoraagii labaad ee sanadkan ka baxay bahda qoreyaasha Soomalida, waxaana bil ka hor ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, AHN Maxamed Maxamuud Kastam oo isna si weyn looga yaqaanay geyiga Somalida, buugaag badana qoray.




Inaalilaahi wa inaa ilahayhi raajucuun




Halkan ka Daawo Waraysi dhawaan lala yeeshay: