Xidiga Labada jeer horyaalka caalamka noqday ee Mo Farah ayaa xaqiijiyey inuu isagoo bed qaba ka soo qayb galli doono tartanka wadamada Commonwealth ka ee bisha dambe ka dhici doono magaalada Glasgow kadib mudo uu caloosha ka xanuunsanayay.

mo-farah_1912968cOrodyahankan 31 jirka ah, oo qaranka England u orda 5,000 ee mitir iyo 10,000 ee mitir, ayaa looga saaray todobaadkii hore horyaalka Diamond League oo ka dhacayay isla Glasgow xanuun hayay awgeed.

Mo Farah oo Taageere weyn u ah kooxda Arsenal oo ka qayb qaadanaya ciyaartii xidigaha cuslaaday ee Arsenal iyo xidigaha aduunka oo qaadhaan loogu ururinayay dadka barakacayaasha aduunka

Mo Farah oo Taageere weyn u ah kooxda Arsenal oo ka qayb qaadanaya ciyaartii xidigaha cuslaaday ee Arsenal iyo xidigaha aduunka oo qaadhaan loogu ururinayay dadka barakacayaasha aduunka

Farah oo dawayn loo geeyey cusbitaal ku yaala wadanka Maraykanka si looga daweeyo xanuunka uurku jirta asiibay bishii aynu soo dhaafnay , lagana soo nadiifiyey dhamaan wixii hayay oo dhan ayaa tijaabooyinkii u dambeeyey ee lagu sameeyey cadeeyeen oo u fasaxeen inuu tababarka dib u bilaabi karo .
“Tababarku wuxuu iigu socdaa si fiican! Talaabada ii xigtaa waa tartanka Commonwealth-ka,” Ayuu Maxamed Faarax Arbacadii aynu soo dhaafnay ku qoray bartiisa Twitterka.
Mo Farah oo Taageere weyn u ah kooxda Arsenal oo ka qayb qaadanaya ciyaartii xidigaha cuslaaday ee Arsenal iyo xidigaha aduunka oo qaadhaan loogu ururinayay dadka barakacayaasha aduunka
Mo Farah oo Taageere weyn u ah kooxda Arsenal oo ka qayb qaadanaya ciyaartii xidigaha cuslaaday ee Arsenal iyo xidigaha aduunka oo qaadhaan loogu ururinayay dadka barakacayaasha aduunka

Maxamed ayaa Axada ka qayb galli doona orodka lagu magacaabo ama loogu dabaal dagayo magaalada London ee caasimada wadanka Britain.

BRITAINTartanka The Commonwealth Games ayaa iyaguna bilaabmi doona July 23 socona doona ilaa bisha Augost 3 deeda. Maalinta la ordayo orodka 5,000 ee mitir ayaa noqonaysa bisha July 27-keeda halka orodka 10,000 ee mitir dhici doonto Aug. 1-deeda.