Sunday, July 13, 2014

Madaxweyne Siilaanyo: xil ka qaadis ku soo beegantay maalin ka hor safarkiisa


siilanyo4




Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland wuxuu xilkii ka qaaday laba Masuul goboleed, waxaanu ku bedelay laba cusub.




Badhasaabkii Gobolka Daad-madheedh iyo ku-xigeenkiisii ayuu xilalkii ka qaaday.




Xil ka qaadista uu sameeyay iyo magacaabista cusub ayaa ku soo beegantay xilli la filayo inuu maalinta berri u ambo baxo safar dibaddeed oo uu ku tegay dalalka Uk iyo Itoobiya.




Warsaxaafaddeed ku soo baxay Madaxtooyada Maanta gelinkii dambe ayaa lagu xaqiijiyey xil ka qaadista Maamulka xusub ee Gobolka Oodweyne.




Digreetooyin




“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2643/072014 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolkaasi isla markaasina u magacaabay laba masuul oo cusub Gobolka Daad-madheedh.




 




MADAXWEYNUHU:-




 




Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,




 




Markuu Arkay:                  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,




 




Markuu Tixgeliyay:          Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka,




 




Markuu Aqoonsaday:    In baahi loo qabo buuxinta jagadan,




 




Markuu La Tashaday:     Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha




                                                                Jamhuuriyadda Somaliland.




 




Wuxuu go’aansaday




 




 




In Mudane, Cali Cawil Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.




 




In Mudane, Maxamuud Cali Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.




 




 




 




Ujeeddo:             Xil-ka Qaadis




 




1.            Ku:         Mudane, Jamaal Xuseen Hurre




                Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh           




 




2.            Ku:         Mudane, Faarax Cabdi Xasan




                Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh    




 




Mudanayaal,




 




Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo hayseen xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.




 




Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.




 




Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh iyo Mudane, Maxamuud Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.