Monday, July 21, 2014

Maayirka Maydh oo faro-gelin ku haya Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Sanaag

Maayir Xuseen ayaa sidoo kale lagu eeddeynayaa Musuqmaaqu iyo wax is-daba marin….



[caption id="attachment_91308" align="alignleft" width="239"]Maayirka Degmada Maydh Maayirka Degmada Maydh[/caption]Ceerigaabo(GNA)-Maayirka Degmada Maydh ayaa la sheegay inuu faro gelin ku hayo Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Sanaag, kaddib markii la bedelay sarkaal madax ka ahaa Kastamka Degmada Maydh.



Bedelka Maamulaha  Kastamka Maydh ayaa qayb ka ahaa isku shaandheyn Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyay madaxda laamaha Maaliyadda ee dalka, taasoo uu si weyn uga biyo diiday Maayirka degmada Maydh oo sida la sheegay ay isku shaqaysan jireen Sarkaalka la bedelay.



Ilo-wareedyo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya inuu Xuseen Cabdiraxmaan Sheikh Siciid Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Sanaag Cadaadis uu ku saarayo sidii loo soo celin lahaa Masuulka la bedelay, kaasoo waxyaabaha ay gacan saarka ku lahaayeen ay ka mid yihiin cashuurta laga qaado  Doonyaha Kalluumaysiga oo ay musuqmaasuqi jireen iyo arrimo kale.



Dhinaca kale, Maayirka Degmada Maydh  ayaa lagu eedeeyay Musuqmaasuq uu ku sameeyay Mashaariic ay hay’addo Caalami ah degmada ka fuliyeen.



Saraakiil ka tirsan laamaha Dawladda ee degmada ayaa laga soo xigtay in waxyaabaha uu musuqmaasuqay ay ka mid yihiin Mishiino kuwa Korantada dhaliya ah oo ay Hay’adda Caritas Lacagtooda ku dhiibtay, kuwaasoo uu soo iibiyay Mishiino aan ahayn kuwii Hay’addu lacagtooda u dhiibtay.



“waxa lacagtooda loo dhiibay Mishiino Afar Bastoon ah oo kuwa korantada dhaliya ah, waxaaanu soo iibiyay kuwo saddex bastoon ah oo ka jaban kuwaas, taasina waxay noqonaysaa Musuqmaasuq”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal Dawladda ka tirsan oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.



Gobanimonews



Ceerigaabo Office



Email: editor@gobanimonews.com