Tuesday, July 15, 2014

James Rodriguez Oo Ku Guulaystay Bilada Gool Dhalinta K-aduunka.


 




000_APM447172-639x360Xidiga reer Colombia, James Rodriguez ayaa la gudoon siiyey abaal marinta Kabta dahabka ah ee laacibka ugu goolasha badan tartankii koobka aduunka ee sanadkan lagu qabtay Brazil.




 




Weeraryahankan ayaa wacdaro ka dhigay koob aduunka sanadkan , waxaanu xulkiisa markii ugu horeysay taariikhda u horseeday inay gaadhaan rubuc dhamaadka, isagoo u dhaliyey Lix gool.




 




Afar sanno kadib markii uu qaatay bilada kabta dahabka ah tartankii Koonfur Afrika lagu qabtay, Thomas Muller ayaa dhaafi waayay wax ka badan inuu fadhiisto kaalinta labaad sanadkan.