Xulka Qaranka Argentina ayaa u gudbay Finalka koobka aduunka markii koowaad tan iyo 1990 kii , 13 ka bishana Germalka ku wajahi doona garoonka Maracana ee caasimada Rio de Janeiro, kadib markii ay Rigoodhayaal 4-2 ah kaga adkaadeen xulka qaranka Holland, ciyaartii Semi finalka caawa oo la isku naf baxay.
Taariikhda ayaa dib isu celisay , Finalka Koobka aduunkana waxaa markale kulmay Germany iyo Argentina oo koobkii adduunka ee 1990-kii sidan oo kale finalka ku kulmay, ayaa West Germany ka guulaystay argentine xiligaas .
Kadib markii la isku mari waayay 0-0 , 90 minute ciyaarta loogu tallo gallay iyo 30 kii dheeraadka ahaa ee lagu daray, sidii sharcigu ahaa , wuxuu garsoorihii reer Turkey ee Cuneyt Cakir iclaamiyey rigoodhayaal.
xidigaha Ron Vlaar iyo Wesley Sneijder ayaa xulka Holland ka khasaariyey fursadii rigoodhaha ahayd ee loo dhigay , taas oo guusha u horseeday, Finalka koobka aduunkana u dirtay xulka Argentina, una quus goysay qaranka Netherland.
Habeen aan waxba la isula hadhin ayaa xidigaha Messi oo Argentina ah iyo Robben oo Netherland ahi , waxay isku mari waayeen 0-0 wakhtigii caadiga ahaa, waxaana rigoodhayaashii calfaday xulkii uu watay tababare Alejandro Sabella ee Argentine.
Degelka ciyaaraha ka faalooda ee Afka Soomaaliga www.Cadalool.com ayaa guushan ku tilmaantay mid Taarikhi ah, taasoo Ciyaarahanka Lion Messi ee dalka Argentine fursad u siinayso inuu markii shanaad noqdo Xidiga Koobka Adduunka.
Koobka adduunka ee ka socda Brazil waxa uu haatan dhex yaalaa laba xul oo Yurub iyo Latin America ka kala socda,kuwaasoo 13 Bishan midkood calfan doono.
Germany oo Taariikh ka dhigtay Koobkan socda, kaddib markii ay Brazil si fool xun u garaacday, ayay iswaaji doonaan waddankan ay Brazil isku qaarada ka soo jeeddaan ee Argentine.